JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
لااله الاالله
انالله وااناليه راجعون
قال الله تعالي
(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “
Ref/UCID/66/2016 Date: 23/05/2016
UJEEDDO/ Tacsi Tiiraanyo leh
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
{Xisbiga UCID wuxuu tiiraanyada la wadaagayaa dhamaan reer Ahmed Ali. Gaar ahaan Cabdiraxmaan Axmed Cali}
Hargeysa(UCID-MediaGroup) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Caddalada iyo Daryeelka UCID, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka guddida Fulinta Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID , waxa uu tacsi Tiiraanyo Leh u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Axmed Cali Maxamed oo maanta (23/05/2016) ku geeriyooday magaalada Burco. Marxuumku wuxu Aabo u ahaa xoghayaha arimaha bulshada isla markaana ah guddoomiyaha gudidda anshaxa ee xisbiga ucid.
Guddoomiye Faysal waxa uu Marxuumka ku sifeeyey nin muummin ah oo wadani ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii hore .Horena u soo noqday Wasiirka Gaashaan-dhiga JSL
Guddoomiye Faysal Cali waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN