Home Video Guddida fulinta iyo Taageerayaasha xisbiga UCID Ee Laanta Sweden Oo Munaasabad Balaadhan...

Guddida fulinta iyo Taageerayaasha xisbiga UCID Ee Laanta Sweden Oo Munaasabad Balaadhan Ku Maamusay Musharaxiinta Xisbiga UCID Ee Doorashada Kaabiga inagu Soo Haysa.

85
0

Guddida fulinta iyo Taageerayaasha xisbiga UCID Ee Laanta Sweden Oo Munaasabad Balaadhan Ku Maamusay Musharaxiinta Xisbiga UCID Ee Doorashada Kaabiga inagu Soo Haysa.

Stockholm(UCID-Media group)14/9/2024. Xaflad aad u balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimey laguna taageerayey musharaxiinta xisbiga ucid Musharax madaxweyne Eng Faysal Cali Xuseen Iyo prof Cabdirashiid Ducaale Diiriye,isla markaana lagu dardar gelinayo ololad doorashooyinka inagu soo socda ee ku astaysan 13 november 2024 ayaa xalay ka dhacday magaalad Stockholm ee cariga Sweden.

Xafladaas oo ay soo agaasimeen gudida fulinta iyo taageerayaasha xisbiga Ucid, waxa si mug iyo miisaan leh halkaa khudbado uga jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID murashax Eng Faysal cali waraabe iyo Musharaxa madaxwayne ku xigeen Pro Cabdirashiid Ducaale Diiriye oo khadka taleefanka kaga qayb galay xaflada waxa sidoo kale khudbado wax ku ool ah jeediyay qaar ka mida gudida fulinta, guddoomiye Dr, ibraahim kirix, guddoomiyeku xigeenka Mohamed Hussein, xoghaya xisbiga ee sweden Mustafe Mire, guddoomiyaha garabka haweenka Marwo:Hanna Hheekh Ali. guddmiyaha wacyigelinta ee xisbiga iyo Eng Naasir Khadar Axmed oo isagu halkaa ka akhriyey barnaamij siyaasaddeedka xisbiga UCID iyo waxay ka duwan yihiin xisbiyada kale.

Dhamaantood waxay waxay iska dabamareen in dalku isbedel u baahan yahay cida keliya ee wax bedeli kartaana ay tahay xisbiga ucid, taas oo ay ku sababeeyeen in labada xisbi ee kale yihiin hal xisbi oo ah kulmiyihii hore iyo kulmiyii dambe sidaa daraadeedna aanay wax isbedel ah keeni karin.

 

Allah Mahad Leh..

Mustafe Mire

Xoghayaha Xisbiga Ucid Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here