Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa u muuqda inay xisbiga talada haya ee KULMIYE kaga aragtiduwan yihiin, isla markaana ay aaminsan yihiin in dib loo dhigo doorashada, maadaama lagu jiro xilli abaaro darani dalka ka jiraan.
Dooddan ayaa dhalatay ka dib markii guddida doorashadu ay sheegeen in in ku dhaw 60% ay dadka abaari saamaysay, kana guureen goobihii ay ka codayn lahaayeen.