Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen ayaa maanta kormeeray Dhismaha Waddada-cad oo si habsami ah u socota.
Masuuliyiinta Guddida Dhismaha Waddada-cad oo kala ahaa Suldaan Cismaan Baane, Yuusuf Maxamed Guuleed iyo Eng C.risaaq Wiiwaa ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha.
Dhismaha waddada-cad ee isku xidhaysa Magaalada Hargaysa iyo inaa Guuxaa, ayaa carra-tuulku wuxuu gaadhay Deegaan-ka Ina Guuxaa.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka khudbadaha Masuuliyiinta Guddida, Maayir-ka Degmada Salaxley iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.