XISBIGA  UCID

Barnaamijka Xisbiga UCID

bismillah

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid_1

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka  (UCID)

Hordhac :-

Dalka xisbiga laga asaasey waa Jumhuuriyada Somaliland. Somaliland waa jamhuuriyada Somaliland ee maanta oo intii 1960 ka horaysay loo yiqiin (British Somaliland protectorate).

Somaliland waxay xoriyadeed ka qaadatay dalkii boqortooyada ingiriiska 26th june 1960 waxana ay la midowday konfurta Somaliya 1dii july 1960.

Somaliland waxaa ka soo gaadhay isku darkii iyo xukunkii ay la wadaagtay koonfurta somaliya dhibaatooyin badan iyo dib-u-dhac ku yimid dhinaca dhaqale iyo bulshadaba. Wadanku wuxuu soo maray 20 sanadood oo gacanta ku hayey keligii-taliyihii maxamed siyaad Barre (1969-1991).

Dagaalkii xoreynta ee ururkii SNM uu kala hortegay keligii-taliyihii waxaa dadweynaha Somaliland ka soo gaadhay, burbur,xasuuq iyo baro kac qaatay in ka badan toban sanadood.

Somaliland waxa ay dhulkeedii iyo xoriyadeedii la soo noqotay markii ururka SNM uu gacanta ku dhigay dalka Somaliland kana guuleystay xukunkii keligii taliyaha Maxamed siyaad barre bilowgii sanadkii 1991.

Si loo xaslado madaxbanaanida iyo aayo ka talinta Somaliland, waxay guurtida Somaliland iyo golayaasha SNM soo saareen baaqii burco (the delecaration of and resolution of burao congress and national density 27 /04/05/05/1991).

Baaq burco wuxuu si toos ah u cadeeyey in umada Somaliland maalintaasi laga bilaabo tahay dawlada madaxbanaan oo xoriyedeed la soo noqotay oo una madaxbanaan sidii ay u xorowedey 26th june 1960

Si loo hanto dhidibkana loogu adkeeyo madaxbanaaninda jamhuuriyada Somaliland waxay guurtida iyo golayaashi SNM ay qabtaan shirkii borma 4(afar)bilood ah. Shirkaasi waxaa lagu doortay

Golaha guurtida Somaliland

Golaha wakiilada Somaliland

Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen

Golayaasha la doortay waxaa lagu mudeeyey wakhtiga xilkood laba sanadood

Shirka boorama waxa kale oo uu soo saaray axdi qarameedkii dalka (national character) oo qeexay xilka uga gaarka ah golayaasha, tilmaamay calanka iyo xuduuda jamhuuriyada Somaliland

Dalka somaliland oo ay ka dhacdey xiisado iyo dagaalo sukeeyey xiligii xilkooda oo loogu daray 18 bilood.

Sanadkii 1996,bishii October ilaa 23 april 1997 ayaa la qabtay shir-beeleedkii hargeysa kaasi oo lagu xaliyey xisadihii is af-garan-waagii . waxaa shirkaa lagu soo doortay golaha guurtida,golaha wakiilada iyo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Mudada xilka golayaasha waxaa shan sanadood. Isla shirkaa waxaa lagu soo saarey dastuur ku meel gaadh ah oo la ansixindoon markii dadka afti laga qaado oo la ansixiyey 31/5/2001 dastuurku wuxuu tilmaamayaa marka xilka golayaasha iyo madaxweynuhu uu dhamaado in la qabto doorasho madaxbaaan oo ay ku tartamaan xisbiyo tiro badan.

Soomaliland waxay taariikhdeedu gashay marxalad cusub oo ah dhisma ah xisbiyo tiro badan iyo doorashada xortahay waxaa laga soo guuriyaa wakhtigii beelaha, goorkasta u jeedadu waa hanashada iyo u heegan ahaanta si aana marnaba shaki ugalin madaxbanaaninda Somaliland.

Qofkasta oo muwaadin ah waxaa saran waajib inuu masiirka dalkiisa kataliyo ogaadan dhanka xeegadu u socoto.

Xisbigan cusub waxaanu u aasaasaney anagoo ka duuleyna dhibaatooyinkii in soo maray inaan maranba lagu kicin waxaanu jecelnahay waajibka na saaran waxaanu dooneynaa inaanu barbaarta maanta iyo tan baritoba loo carbiyo hogaaminta dalkood. Loona xulo hogaamiye noqda kan mudan in lagu deydo iyo hay’ada xisbi siyaasiya oo noqda kii lagu hiran lahaa dadweynuhuna  ka gamcilahaayeen xoriyadood iyo madaxbanaanidooda iyo horimarkood (NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN, XILBAAD SIDAA HA SEEXAN, SOOMAALILAND SAHAN WANAAGSAN )

Si looga guuro habka beelaha oo loo dhiso bulsho cusub iyo qaran casri ah waxaa loo baahanyahay xisbiyo kule duwan afkaar iyo barnaamijyo iyadoo laga anbaqaadayo baahida loo qabo in somaaliland laga gaadhsiiyo dalka aduunka ee horimar si ay ula jaan qaado casrigan loo bixiyey(post modern ), ee tiknoolajiga sare la adeegsanaayo iyo warfaafinta tiknoolajiga IT/information technology, waxaa la ma huran ah in bulshada laga badalo habka aqoon darida iyo jahliga ee beelaha iyo qabyaalada loona hogaamiyo habka casriga ah iyo umaddanimada.

Xisbigu wuxuu horseedayaa sidii somaaliland uga guuri la heyd habka jahliga ee sababey gaajada, aqoon darida, dirirta qabiil-qabiilka qaran dumiska iyo fawdada .

MABAADIIDA SIYAASADA GUUD EE XISBIGA

Xisbigu wuxuu sameyn doona isbadal weyn oo qaran iyo bulsho waxa uu ku dhaqaaqidoonaa inuu gunta ka jaro hab dhaqankii iyo maamulkii ku dhisnaa musqmaasuqa ,cadaalada darada, diin la’aanta iyo beelaha. Wuxuu ka shaqeyndoonaa bulsho iimaan iyo aqoon leh kuna abtirsata diinta islaamka iyo sunihii nabigeen suuban (SCW) wuxuu xisbigu u taaganyahay sidii Somaliland looga hirgalin lahaa dawlada casri ah oo ku dhisan sharci iyo nidaam dimuquraadi ah dadkuna u simanyahay sida ay ugu simanyihiin ILAAHAY hortii iyo sharciga hortiisaba. Dawlada ku dhisan nidaam, sharci, kale danbeyn iyo hay’addo, bulsha wax u cunta inay noolato oo aan u nooleyn iney wax cunto “society that teas to live, but not lives tea”.

SIYAASADDA DIFAACA IYO NABADA GALEYADA XISBIGA

Xisbigu waxuu u taaganyahay ciidan qaran oo quwad leh kuna qalabeysan hubka casriga ah, si aan dalka bidan loona haweynsan heshiisyo habrasho leh oo dalka u dan ahayn.

Axdiga ciidanka qaranka waxaa saldhig u ah hab difaac qaran oo ka baxasan kana maqantahay siyaasaada weerar iyo ku xadgudub dalka jaarka ah. Ciidanka qaranku wuxuu ka masuul noqon doonaa sugida xuduudaha dalka barri, bad iyo cirba waxaa ciidanka qaranka laga xulidoonaa dugsiyada waxbarasah iyadoo si gaar ah loo xulandoono ardeyga asarkiga ah iyadoo lagu soo jiidandoon nolol fiican xisbigu wuxuu u taagenyahay sidii ciidanka qaranku u noqon lahaa mid lagu faano loona kale baratamo ka mid noqoshadiisa iyo ka halgalkiisa. Ciidanka Qaranka waxa laga dhigi doonaa Ciidan can ku ah Asluub iyo karti, Ciidan xor ah kana maqan loolanka Siyaasadeed ee Dalka. Ciidan Qaran oo Aqooneed (professionals ). Waxaa la soo afjari Ciidankii ku dhisnaa Askar aan waxna Qorin waxna Akhriyin (Illiterate Soldiers).

Tirade Ciidanka waxaa lagu soo koobi ugu badnaan waxaana laga dhigi ILAA LABAATAN KUN (20,000). Waxaana kor looqaadi Aqoontooda iyo Tababarkooda. Ciidanku wuxuu isha ku hayndoonaa Tichnoolijiyada Cusub iyo Hubka Casriga ah ee Waqti kasta socda.

Waxa la dhisi doonaa Jaamacad amaba Kuliyad Ciidan oo Casri ah kana hawlgalaan macalimiin ku xeeldheer Cilmiga Militariga oo ka soo jeeda Muwaadiniin iyo Ajaaniba. Waxa Xisbigu ka shaqayndoonaa in Ciidanku aanay baran oo kaliya Isticmaalka Hubka Casriga ah ee la bari doono sida loo sameeyo iyo sida uu u samaysan yahay. Waxa xooga la saari doonaa sidii Dalkeenu u yeelan lahaa Warshado Wadani ah oo soo saara qayb ka mid baahida Ciidanka Qaranka.

Ciidanku kuma eekaan doonaan Difaaca Dalka ee wuxuu si hagar la’aan ah kuga hawlgeli doonaa Horumarinta Dalka iyo casriyayntiisa, Ciidanka waxaa loo samyn doonaa Guryo iyo Goobo u gaar ah. Waxaana laga ilaalin doonaa in Ciidanku ku eekaado Aqoonta Dalka oo kaliya ee waxa loo samyndoonaa xirfado kal duwan si’ay gacan uga gaystaan Horumarka Dalka.

Ciidanka Qaranka ee Somaliland waxa loo tababari doonaa sidii uu gacan uga gaysan lahaa Ciidamada QM (UN) ee ka hawl gala Nabad ilaalinta Dalalka ay ka taagan tahay Qalalaase siyaasadeed. Ciidanka Qaranka Somaliland waxa ka xaaraan ah in uu ku duulo Dal kale haddii aany khatar galinayn jiritaankiisa iyo Nabadgelyada Dadka reer somalind. Ciidanka somalind waxa ku waajib in uu ka daba tago meel walba wixii khatar gelinaya Qaranimada Dalka iyo Nolosha iyo deganaanshaha Ummadda .

ciidanka Qaranka waxa lagu xoojin doonaa barashada Diinta Islaamka iyo Shuruucdeeda, waxa loo tababaridoona siduu ciidanku u ilaalin lahaa Asluubta iyo Dhaqanka Islaamka Islamarkaana talaabo u qaadi lahaa siddii loo horjoogsan lahaa wixii saamaynaya Diinta Islaamka.

Maadaama Shareecada Islaamka iyo Jamhuuriyadu yihiin Hay’adda Dalka ugu saraysa, Ciidanka iyo Madaxda Dalkuba waxa ay ku dhaarandoonaan “ Ilaalinta Iyo Difaaca Shareecadda Islaamka iyo Dastuurka”.

Ciidanka Qaranku waxa uu masuul ka noqon doonaa Ilaalinta iyo Daryeelka Noloshii Halgamayaashii SNM iyo Caruurtoodii. Waxa Ciidanku Qori doonaan Taariikhdii Mujaahidiinta Ku shahiiday Xorayntii Dalka iyo Tiradoodii.

Xisbigu wuxuu soo jeedin doonaa in maalin qiimo leh oo la xuso laa dhigo 27/May/1988kii Maalintii SNM-tu weeraka geesinimada leh ku samaysay Ciidamadii Faqashata ee Deganaa Magaalada Burco. Waxa uu Xisbigu Soo jeedin doonaa in maalintaas loo bixiyo Maalinta Guusha (Victory Day).

Waxa uu Ciidanku samayn doonaa meelo lagu xanaaneeyo Agoonta Ciidanka iyo Lacag u gaar ah sidii ay u shaqayn lahayd Goobahaasi. Ciidanku waxa uu xaq u yeelan doonaa in uu yeesho meelo wax soo-saar si ay u kaabaan kharashkooda Guud iyo Baahiyahooda badan.

Ciidanka Qaranku waxa uu lahaan doonaa Hay’ad Sirdoonka ee Ciidanka “Military Intelectuals Agency” Hay’addaa Masuuliyadeedu waxa ay noqon doontaa soo ururinta iyo raadinta Tayada iyo Sirta Ciidamada Dalalka Dibada ee noqon kara cadawga Somaliland. Waxa si fiican loo qeexi doonta Shaqada Hay’adda Warqad rasmiya marka la aasaaso.

Ciidanka Qaranku waxa uu si rasmiya loogu dhigi doonaa Taariikhdii Mujaahidiintii Dib u Xoraysay Somaliland. Waxay noqon doontaa in ay qasab ku noqoto barashada taariikheed ee Mujaahidiintaa Ciidanka Qaranka. Wuxu Xisbigu Dhiiri-gelin doonaa in lacag badan ay u qoondayndoonaan Cilmi-baadhis Arimaha Milatariga si loo helo Ciidan leh Culimo ku xeel dheer Sayniska “Military Researchers”.

Askarta Ciidanka Qaranka waxa la bari doonaa Adkaynta Midnimada Dalka, Difaaca Diinta Islaamka iyo Ilaalinta Xuquuqda Bini-aadamka waxa la bari doonaa karaamada ILLAAHAY ku manaystay ibn-aadamka iyo sharafta uu mudan yahay. Waxa lagu barbarian doonaa Ilaalinta xoriyatul qawlka iyo Qaranimada Dalka waxaana laga fogayn doonaa wax alla wixii wax u dhimaya sharafta Dalka iyo Dadkaba.

 

Siyaasadda Nabad-gelyada ee Xisbiga

Xisbigu dib u habayn buu ku samayndoonaa Wasaaradaha Arimaha Gudaha, waxaana loo bixin doonaa/Wasaaradda Gudaha iyo Nabadgelyada “Ministry of Interior and security”.

Wasaaradu waxa ay ku shaqayn doontaa Siyaasad iyo Barnaamij Furfuran “decentralization Policy” . Siyaasadda Guud Mooyaane, Gobol kastaa isagaa u madax banaan Siyaasadiisa Gudaha iyo habka Kobcinta Dakhligiisa iyo Maamulka Adeega Guud. Gobolkastaa isagaa xor u ah qaabka Daryeelka dadkiisa iyo siyaasada Maamulka iyo Maaraynta Ku wajahan, waxbarashada, caafimaadka, Daryeelka iyo suggidda Nolosha Bulshada.

Waxa la dhisi doonaa xoogaga Nabadgelyada (police force), oo loo carbiyo sugida Nabadgelyada Muwaadinka iyo Hantidiisa Boolisku wuxu ilaalin doonaa Dastuurka iyo Sharciga Dalka, waxa uu marar isticmaali doonaa Xoog si uu u fuliyo Sharciga. Qof ka sarreeya Sharciga ma jiro Darajo kasta iyo Awood Dhaqaale oo uu leeyahay . dadku Sharciga hortiisa waxa loo simanyahay sida ILLAAHAY loogu siman yahay.

Booliska waxa loo tababari doonaa siduu u caawin lahaa Dadka Nugul sida Carruuta iyo Dadka Waawayn. Waxaa loo samayn doonaa Boolis Bulsho u shaqeeya kana mid ah Dadwaynaha. Waxaa la samayn doonaa Boolis noqda mid lagu hammiyo in laga mid noqo oo lagu biro. Booliska waxa laga xulan doonaa Dugsiyada Sare, waxa la soo afjari doonaa Booliskii aan waxna qori jirin waxna akhriyi jirin, waxaana la soo afjari doonaa Booliskii Dadku u qabeen Cadaw Bulsho, waxaana la xaqiijin doonaa in Boolisku yahay Nabada lagu seexdo, waxaana la samayn doonaa Barnaamijyo Dadku Iska kaashan doonaan si loo sugo Nabd-gelyada Magaalooyinka Waawayn. Waxa la samayn doonaa laamo u gaar ah Ilaalinta Habdhaqanka Booliska iyo Habka uu ula dhaqmo Muwaadiniinta.

Wuxu Xisbigu ku dedaali doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka Booliska si loo Hirgeliyo Himiladaa waxa lagu dhaqaaqi doonaa sidii loo samayn lahaa sidii wax barasho Ciidanka Nabadgelyada Boolisku u dhismi lahaa Machad Boolis, Waxa kor loo qaadi doonaa Tayada waxbarashada Dugsiga Booliska ee Mandheera. Waxa la samayn doonaa Boolis Xirfad leh ku dheehantahay Asluub iyo Akhlaaq Muslinimo, Ciidan Dadku u arko saaxiibka ee aanu arag cadaw.

Si loo xoojiyo Nabadgelyada Sharciga loona helo Dambiilaha sida ugu dhkhsaha badan waxaa loo samynayaa Hay’adda Baadhista ee Qaranka “National Investigation Agency”, waxay badali doonta CID. Hay’addu way u madaxbanaan doontaa waxaanay la shaqayn doontaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Ma jiri doonto cid joojin kartaa baadhis ay bilaabaan. Hay’addu waxay ka masuul tahay baadhista dambiyada ka dhaca Dalka Gudihiisa. Waa Hay’adda ugu saraysa ee baadhista dambiyada, six or ah oo madax banaan ayay u gudan doontaa hawlaheeda.

Waxaa kaloo la samyndoonaa Hay’adda Sirdoonka ee Qaranka “National Intelligence Agence -NIA”. Hay’addu waxay ka shaqayndoontaa ilaalinta Nabad Sugidda Qaranka, waxay ku shaqo leedahay ilaalinta cadawga shisheeye ee Ummadda iyo Dalka. Waxay ururindoontaa wararka sirta ee Dalalka shisheeye. Arrimaha Dalka Gudihiisa waxay shaqo ku leeyihiin majirto.

Waa Hay’ad madaxbanaan hoos iman doontana Madaxweynaha Dalka. Waxay ku shaqyndoontaa hab qarsoon. Dadka ka shaqeeya magacyadoodu waxay ahaan doonaan qarsoodi.

 

SIYAASADDA DHAQAALAHA EE XISBIGA

Xisbigu waxuu hirgalin doonaa, HADDII ALLE YIDHAA siyaasada dhaqaalaha ee suuqa xortaha (free market economy), isagoo islamarkaa fara ah ka laabaneyn siyaasada dhaqaalaha una ogalaaneyn inuu habkaa faro ka qaadka ah (laise faire) uu hergalo. Xisbigu wuxuu hirgalin doonaa kuna dadaali doonaa inuu sameeyo habka dhaqaalaha ee loo dhan yahay (inclusive policy) tiiyoo mawaadin kastaba oo reer Somaliland ahiba uu heli doono saamigiisa dhaqaal.

Si dalka la isugu xidho dhaqaalihiisana lawadaa wadaago, wuxuu xisbigu u hawl geli doonaa in muddo shan sano ah uu isku-xidho magaalooyinka waaweyn ee gobolada iyo degmooyinka oo dhan, samayn doona wadooyin laamiya iyo kuwo caro-tuul ah, islamarkaana hor marin doona garoomada diyaaradaha, dekadaha iyo khadka isgaadhsiinta ee telefoonada,wuxuu xisbigu daryeeli doonaa dadka hanan kari waayey maalin-nololeedkoodii sida, dadka waaweyn, kuwa aan cid lahayn, iyo dadka laxaadka la’.

Wuxuu xisbiga u hawl geli doonaa ugu horayn waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee daryeelka bulshada isagoo kaalin laxaad leh ka qaadan doona ogaanshaha, iyo la socodka arimaha dhaqaalaha siyaasada, bulshada, tacliinta, isgaadhsiinta iyo guud-ahaanba kor u qaadida wacyigelinta bulshada. Wuxuu kaloo xisbigani ka shidaal qaadandoonaa ugu horeyn baahida bulshada oo ay ugu horayso saddexda “H”da ka kaca isda, Hoyga,Hunguriga iyo Huga oo asaas u ah daryeelka bulshada.

Maadaama uu dhaqaalaha uu ku fadhiyo xoolaha nool dadkeenuna u badan yahay reer guuraa, xisbigu wuxuu gacan weyn siin doona kobcinta daryeelka iyo dhaqaaleynta reer guuraaga, isagoo u hawl geli doona siduu u furi lahaa baanka horumarinta Reer-guuraaga (Rural Development Bank). Si looga ilaaliyo dadka reer-guuraaga ah iyo Beeralayda ah ee ku soo qulqulaya magaalooyinka waaweyn. Wuxuu xisbigu hirgalin doonaa siyaasado ballaadhan oo ku waajahan horumarinta miyiga (Rural Development) taasoo iska hor istaagi doonta in dadka ku soo qaamaamo magaalooyinka .

Xisbigu wuxuu ku talin doona in la sameeeyo wasaarada bulshada iyo hurmarinta Awooda Bini-aadamka (ministry of social and human resources). Wasaarada oo la socondoonta bahida mujtamaca dan-yarta ah isla markaana ka shaqayn doonta horumarkooda iyo kor u qaadista waxbarashadooda iyo caafimaadkooda. Waxa la dhisi doona Hay’ada madaxbanaan oo ku tiirsan aqoonyahaniin sare oo dusha ka ilaaliya la socodka wasaarada (Monitoring committee) ilaaliyana tayadooda iyo kartidooda. Gudidu waxay soo saari doonaan war-bixin sanadeed ku saabsan shaqada iyo habdhaqanka wasaaradaha, hay’adaha dalka iyo wasiirada dowlada iyaga oo isla markaana soo jeedindoona talooyink iyo talaabooyinka ku haboon.

Waxaa ku waajib ah dowlada in ay ku dhaqmaan talooyinka gudida. Isla markaana ka qaadaan talaabooyinka ku haboon madaxda warbixintu u sheegto, waxtar la’aantooda amaba cadaalad daro iyo musuqmaasuq. Wuxuu noqon doonaa warbixin qiimayndoonta wax qabadka hay’adda dalka siiba kuwa dowlada.

Xisbigu wuxuu ka digtoonaan doonaa in dhaqaalaha la isku-soo ururiyo caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee gobolada, waxaanu xooga saari doonaa sidii loo kobcin lahaa, loona hormarin lahaa dhaqaalaha magaalooyinka yar-yar. Inagoo ILLAAHAY inagu manaystay xeeb dheer, hase ahaate dhaqan ahaan aanaynu ka faa’iidaysan, wuxuu xisbigu ku dadaali doonaa sidii loo horumarin lahaa magaalooyinkeena xeebaha ku yaala, loona samayn lahaa meherado iyo mashaariic ku xidhiidha kheyraadka badda, xisbigu wuxuu baadi dooni habkii uu u kabi lahaa kaluumaysatada, beeralayda, iyo xoolo dhaqatada sid dadku ugu laabtaan hab dhaqameedadoodii.

Xisbigu wuxuu hirgalin doonaa siyaasadda abaabulka majtamaca si looga faa’iidaysto bulshada, loona mideeyo isla markaana loo faa’iideeyo , wuxuu markaa xisbigu samayn doonaa waxbarasho Qiimajeedu (value) sareeyo iyo wacyi galin iyo baraarujin joogto ah (Education & Public Awareness). Xisbigu wuxuu sameyn doonaa siyaasad furan oo uu kula dhaqmi doono shacbiga iyo dawladaha jaarkaah, isagoo soo dhaweyn doona saaxiibtinimada dawlada dalka itoobiya oo aynu wadaagno dal iyo dadba.

Wuxuu xisbigu dhiiri galin doonaa in dalka aynu deriska nahay ee Geeska Afrika gaar ahaan Ethiopia, in lala wadaago mashaariic lagu hour marinayo dhulka loo yaqaano (Hawd and Reserve Area) ee soonaha shanaad. Xisbigu wuxuu maalgelin weyn ku sameyn doonaa dekeda Berbera si ay u noqoto deked ay ka faa’iideystaan wadamada Bariga Afrika ee aan badda lahayn, isagoo iskaashi la yeelan doona dalalka Eeshiya,gaar ahaana Hongkong oo aqoon dheer u leh isticmaalka dekedaha.

Inagoo ku jirna casriga loo yaqaano Casriga Tiknoolajiga wuxuu xisbigu ku dadaali doonaa sidii dadka Reer-Somaliland ay u baran lahaayeen IT isgaadhsiinta casriga ah, isagoo maalgelin badan gelin doona jaamacadah Somaliland, Dugsiyada, samayn doonaa macahadyo cilmi baadhiseed, xisbigu wuxuu samayn doona magaalooyin u khaasa cilmiga Tiknoolajiga oo xisbigu soo jeedin doono in laga dhigo (High Technology Centre) ama xarunta cilmi-baadhista cusub.

Xisbigu wuxuu xooga saarayaa siduu u soo saari lahaa jiil cusub oo Reer-Somaliland ah oo ku qalabaysan cilmigan cusub, isagoo islamarkaana ka shaqeyn doona, siduu u sahli lahaa bulshada Somaliland inay xidhiidh la yeelato Farsamada iyo isgaadhsiinta cusub ee Internet-ka.

Xisbigu wuxuu dadaal lama huraan ah u geli doonaa sidii uu u yarayn lahaa ama u joojin lahaa isticmaalka Qaadka mustaqbalka isagoo isla markaana olole wacyi gelin ku samayn doona guud ahaan bulshada sidii ay uga fogaan lahaayeen wax alla wixii khatar Diineed, caafimaad maskaxeed iyo jidheedba u geysanaya oo loo fahamsiiyo dadweynaha wixii horumar iyo waxqabadba u keeni kara.

Xisbigu wuxuu si lagama maarmaan ah xooga u saarayaa sidii bulshada Reer-somaliland u fahmi lahaayeen wacyiga iyo wergelinta xilligan casriga ee aan ku jirno, taasoo keenaysa tiigsimaad nolol hor leh iyo wax soosaar dhab ah oo loo midaysan yahay,taasina waxay tilmaamaysaa tallabo hor leh oo loogu gogol xaadhayo horumarinta iyo la socodka waaqiciga dunida iyo lafgalkeeda.

Xisbigu wuxuu marwalba tixgalinayaa xoogaynta habka dhaqan-dhaqaale iyo hour socodka dhaqaale kasoo ka ambaqaadi doona xalaaleynta dhaqaalaha wanaagsan ama isku dhafan (Mixed Economic) iyo xaaraamaynta dhaqaalaha xun ee xakamaysan (Monopoly). Xisbigu wuxuu daaha ka furayaa soona bandhigi doonaa qaab casriya oo ku wajahan siyaasadda dhaqaalaha oo loogu faa’iidaysanyo wax soosaarka bulshada, isla markaana la xoojinayo casriyeynta wax soosaarku ka kooban yahay sidii looga shaqayn lahaa loogana faa’iidaysan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee dhulka iyo manaafacaadkiisa kala duwan.

Xisbigu wuxuu dhiirigelin doonaa madaxbanaanaynta dhaqaale ee gobol, degmo iyo tuuloba, isagoo xor uga dhigi doona in degmo kastaaba ay qorshaysato siyaasadeeda kobcinta dhaqaalaha, una madax banaanaato in ay urursadaan canshuurahooda, islamrkaana ay dawlada dhexe kobcin doonto wixii ka badan awoodooda. Xisbigu wuxuu diyaarin doonaa qorshayaal cusub oo lagu soo celinayo baadkii iyo doogii iyo sidii loogaga bortegi lahaa xaalufka iyo nabaadguurka, waxaana laga shaqayn doonaa sidii si buuxda looga faa’iideynsan lahaa roobka iyo biyaha dalka, lagana horjoogsan lahaa in biyahaasi ku ququlaan bada, waxa kale oo xisbigu gacan weyn ka geysan doonaa dib u dhiraynta dhirta iyo ilaalinta kaymaha.

Wuxuu xisbigu ku dadaali doonaa dib u soo celintii ugaadha iyo duur-joogta, taasoo la samayn doono seero lagu ilaaliyo ugaadha iyo kaymo u gaara (conservation).

Iyadoo dalkeenu ku can baxay dhaqanna u noqotey in dhaqaalaheenu ku tirsanaato xoolaha oo keliya iyo suuq kaliya wuxuu xisbigu dadaal u geli doonaa siduu u samayn lahaa ilo dhaqaale oo kala duwan islamarkaana suuqyo kale duwan loo heli lahaa kuwaas oo haynaan loo sameyn lahaa. Xisbigu hergalin doonaa, dhiirigelin doonaa, horumarin doonaa khayraadka dalkeena, ka beriga iyo ka badaba,waxaa kale oo xisbigu maal-gelin doonaa soosaarida shidaalkeena iyo macdanta dhulkeena ee Illaahay inagu manaystay islamarkaasina wuxuu horumarin doonaa beeyada iyo fooxa ee ka buuxa gobolka sanaag.

Xisbigu wuxuu dhiirigalin doonaa samaynta warshado Hilib iyo qaar kaluun si aynu ula tar-tano wadamada kalluunka iyo xoolaha dhoofiya.

MAAL-GELINTA SHISHEEYE

Xisbigu wuxuu dhiirigalin doonaa soona dhawayn doonaa maalgelinta shisheeye isaga oo diyaar gareyn doona sharciyo iyo xaalad dabacsan oo soo jiidata maalgeinta shisheeye. Xisbigu wuxuu xooga saari doonaa sidii loo dhiirigalin lahaa dhoofinta wax soosaarka qaranka isagoo soo saari doona sharciyo lagu yaraynayo cashuuraha alaabta la dhoofiyo,si ay uga faa’iideystaan uguna dhiiradaan tijaarta wadaniyiinta ahi.

Xisbigu wuxuu hirgelin doonaa isticmaalka waxsoosaarka qaranka (national production) isagoo isla markaa aan lumineyn tartanka alaabta shisheeye,tiiyoo kor loo qaadi doono ama laga shaqayn doono kor u qaadida tayada iyo tirada alaabta wadaniga ah.

Xisbigu wuxuu ku dadaali doonaa in dadka ka bedelo habkii ku dhisnaa wax soo dejiska (import) una jihayn doono siyaasad ku dhisan wax dhoofin “Export”, si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka. Si loo helo loona hirgaliyo qorshahaasi dhaqaale, wuxuu xisbigu samayn doonaa wasaarad maaliyadeed oo adag kuna qalabaysan khubaro ku xeel dheer dhaqaalaha iyo Bangi dhexe oo madax banaan.

Labada hay’addood oo xilkoodu ahaan doono ilaalinta iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland wax weyn ka bedeli doona horumarka siyaasada dhaqaale ee bulshada. Dawladu waxay dusha ka ilaalin doontaa suuqa dhaqaalaha iyadoo u dayn doonta in uu iskii u rog-rogmo isla markaan aan gacmaha ka laaban doonin inuu fakado, tiiyo markii loo baahdo gacan kooban saari doonta, marka loo baahdana xakamayn sahlan isticmaali doonta.

In kastoo xisbigu dhiiri-gelin doono lahaanshaha gaar-ahaaneed hadana ma jiraan wax ka mamnuuci doona in dawladu yeelato Hay’adaha ay aragto inay faa’iido ku jirto in dawladu yeelato.

Maalgelinta shisheeye wuxuu xisbigu ku ilaalin doonaa inay khatar ku keento degaanka iyo dhaqanka islamarkaasina waxay kaloo ka ilaalin doontaa in shirkadahah shisheeyuhu ay dhiigmiirtaan shaqaalaha wadaniga ah, iyagoo u qeexi doona qiimaha u yare e mashahareed ee lagu shaqayn karo.

Xisbigu wuxuu kaloo dhiirigalin doonaa inay samaysmaan ururo shaqaale oo ilaaliya danaha shaqaalaha wadaniga ah, xisbigu wuxuu xooga saari doonaa si uu ilaalin lahaa heerka nabadgelyadha ee shirkadaha shisheeyaha si ayna khatar u gelin caafimaadka iyo nolosha shaqalaha wadaniga ah.

Xisbigu wuxuu kaalin xoog leh uuka gaysan doonaa sidii uu u kala dooran lahaa shirkadaha dhabta ah ee si wax ku ool leh ugu qabanaya dalka iyo kuwa kale ee lugooyada iyo wax qabad la’aanta wada, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ururku ku hawlanaan doono sidii maalgelin badan looga heli lahaa debedaha iyadoo loogu soo dabaalyo wax ka qabashada wadanka.

Xisbigu waxaa kale oo uu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa, qaraaba-kiilka, eexda, mid toosan iyo mid dadban, ficiladaas oo dhaqaalaha naafayn kara. Waxa la samayn doonan hay’adao u qalbaysan la dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynahay iyo waxyeelida dhaqaalaha.

Waxaa la samayn doonaa in la shaqaaleeyo dad ku caan ah daacadnimo, islamarkaana khibrad u leh hawlahooda, iyadoo xul adag lagu samayn doono dad ka shaqaynaya ilaha dakhliga dalka, tiiyo la baadhi doono aqoonta shakhsiga, damiirkiisa, diintiisa balwadiisa iyo hab-dhaqankiisa ( Life Style).

Xisbigu wuxuu u hawl geli doonaa sidii dhamaan loo shaqaaleysiin lahaa muwaadiniinta Reer-Somaliland, ee aan hawlgabka ahayn, iyadoo markastana xirfadooda kor loo qaadi lahaa si ay ula socdaan isbedelka tiknoolajiga ( ee siyaasada waxbarashada ee xisbiga).

Ugu dambayn wuxuu xisbigu dadaal u geli doonaa sidii Somaliland looga dhigi lahaa quwadda dhaqaalaha ee Afrikada Bari (Economic Power House of East Africa). Iyadoo xeebaheena Saylac, Lughaya, Xiis, Maydh iyo Laas-qoray laga hirgelin doono dekedo casri ah, dekadda Berberana looga dhigi lahaa badhtamihii baayacmushtariga ee Bariga Afrika ( Hup of East Africa).

Inagoo ka faa’iideysaneyna bogcadeena ILLAAHAY inagu abuuray, waxaynu ka shaqayn doonaa sidii Somaliland u noqon lahayd Biriijka isku xidha Eeshiya, Afrika,Yurub iyo Amerika.

Wuxuu xisbigu ku dadaalii doonaa in muddo shan sano dhexdood ah laga simo sidii dadka ku nool magalooyinka waaweyn iyo kuwa yar-yar loo siin lahaa biyo nadiif ah. Si loo yareeyo cudurada shubanka iyo dhimashada caruurta reer Somaliland.

SIYAASADA WAXBARASHADA EE XISBIGA

Si loo dhiso bulsho hanaanka barnaamika xisbigu, isla markaana dhista mujtamac iyo dal casri ah wuxuu xisbigu galindoona dhaqaale badan waxbarashada dalka. Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqii doonaa in loo helo waxbarasho ilma-kasta oo reer Somaliland ah, ugu dambayntana waxaa xisbigu ku dadaali doonaa in qasab laga dhigo waxbarashada ilaa fasalka sideedaad.

Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo hirgalin lahaa waxbarasho ka soo jeeda dhaqanka diinta Islaamka, taas oo qofka ka dhista dhinaca imaanka, islaam ahaan, qof ahaan, taas oo qofka horumarisa bartana nolasha fiican iyo habkaa toosan ee mujtamaca kula noolaan kuna ilaalinlahaa xuquuqdiis iyo waajibka ka saaran ilaalinta iyo difaaca Diintiisa iyo Dalkiisaba. Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii dalka  looga hirgalin lahaa waxbarasho ku salaysan wax soo-saar iyo tignoolajiga cusub. Tacliin aan ku fadhiyin wax ku cu nee ku salaysaan wax ku kordhi, waxbarasho tayo iyo tiraaba leh.

Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii looga hirgelin lahaa waxbarashada dadka heer tuulo, degmo iyo gobolba. Xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa reer guuraaga iyadoo la samayn doono waxbarasho ka mas’uul ah waxbarashada reer guuraaga. Waaxda waxa laga dhigi doonaa waaxda ugu mushaharka badan wasaarada, iyada oo dhinaca kale macalinku ka mid noqon doono dadka degaanka lana bari doono howshan deegaanka, uu noqon doono shaqaalaha ugu mushaharka badan Somaliland.

Xisbigu wuxuu ka dhigi doonaa waaxda waxbarashada reer guuraaga mid socota (Mobile Education Unit). Waaxdaas waxaa laga qaabili doonaa qalabka waxbarashada ee casriga ah iyo macalimiin si gaar ah loo soo tababaray. Xisbigu wuxuu xooga saari doona sidii wax loo bari lahaa ilma-kasta oo reer Somaliland ah meel kasta ha joogee. Xisbigu wuxuu u taagan yahay in jahliga laga dhameeystiro Somaliland sida ugu dhakhsaha badan si looga baxo Faqriga iyo Baahida oo ah hooyada xumaanta iyo dhanbiga.

Xisbigu wuxuu hubin doona waxbarashada caruurta ka soo jeeda guryo hanta yar iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxaa la caawindoonaa caruurtaas waxbarasho bilaash ah, lacag la’aan ah, marka la hubiyo in wax la’aantu ka dhab-tahay. Isla markaa waxa dawlada ku waajib ah in ay tiro cayiman u banayso jaamacada iyo meelaha waxbarashada sareba caruurta faqiirada iyo dadka laga badanyahay.

Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doonaa sidii loo casriyayan lahaa farsama yaqaaniinta dhaqan sida (traditional skills) tumaalaha iyo kabatolayaasha, loogana saari lahaa magic xumadii badaw nimo ee sarneed.

Xisbigu wuxuu sameyn doonaa barnaamijyo iyo mashaariic u gaar ah horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo hoy’ga mujtamaca laga badan yahay ee hore loo yasi jiray. Waxaa laga shaqayn doonaa sidii loogu abuuri lahaa isku kalsooni iyadoo dhinaca kalena la hormarin doono hantidooda iyo wax lahaanshahooda. Waxaa la qaadi doonaa olole diineed oo sharaxaysa ka soo horjeedka Diinteena suuban ee yasida muslimiinta iyo dadkaba guud ahaan.

Xisbigu wuxuu dhiiri gelin-doonaa waxbarashada furfuran ee aan ku soo ururin hal meel (Decentralized Education system). Tiiyo waxbarashada sare ee dalka aan hal meel amaba laba meelood lagu soo koobayn, gobol kastana waxa laga hirgalindoonaa waxbarashada sare eek u haboon, isla markaa waxa la sameyn doonaa magaalooyin u khaas ah Cilmiga Cusub iyo Tiknoolajiyada. Xisbigu wuxuu samayn doonaa Machadka Tiknoolajiga “Institute of Technology”, kaas oo khaas u

Noqon doona horumarinta Sayniska iyo Cilmiga Cusub. Xisbigu wuxuu uuu ugu deeqi doonaa lacag badan si loo dhiiri galiyo cilmi barayaasha Somaliland.

Si loogu saaro mugdiga bulshada ,xibigu wuxuu xooga saari doonaa barashada Kitaabka Kariimka iyo Xadiisyada Rasuulka CSWS . si loogu ababiyo caruurta Somaliland Diintooda iyo Sunaha Nabiga   suuban  SCWS, Xisbigu wuxuu casriyayn doonaa mal-caamadaha Quraanka , iyadoo oo la tababari doono macalimiinta isla markaana mushahar loo qori doono.

Xisbigu wuxuu xooga saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Dugsiyada Farsamada si looga maarmo farsama yaqaaniinta shisheeye ee ka qaada shaqada muwaadiniinta Somaliland . Waxa la diyaarin doonaa dugsiyo  wax lagu baro shaqaalaha , shaqaalihii mutaystay shahaado dugsi , ay wajib noqon doonto xaqna u lahaandoonto in mushaharka loo kordhiyo isla markaana la dalacsiiyo.

Xisbigu wuxuu samayn doonaa machadyo takhasus ah oo shaqaalaha aqoontooda kor loogu qaado , wuxuu maalgelin weyn ku samayn doonaa dugsiyada lagu baranaayo horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga.

Xisbigu wuxuu hirgalin doonaa barnaamij iyo hab waxbarasho ee furfuran, tiiyo degmo kastaba ay xaq u yeelan doonto talada dugsiyada. waxa hagida iyo go’aamada dugsiyada wax laga waydiin doonaa waalidka, ardayda iyo duqeyda degmada.

Xisbigu wuxuu ku talin doonaa in la kala saaro dugsiyada wiilasha iyo gabdhaha ,tiiyo aynu soo marnay dhibaatadeeda iyo khasaaraheeda , isla markaana diinteenu ina farayso , waajibna  inagu ah in aynu raacno. Waa waajib dowlada siiba Wasaarada Waxbarashada in ay hubiso in hablaha iyo inamada si siman Waxbarasha u helaan , si looga hortago dhaqankii hablaha aanay tacliinta loo wada keeni  jirin  waxaana iyadana ah masuuliyad wasaaradaha Diinta,Waxbarashada iyo Caafimaadka ka hortaga iyo joojinta Gudniinka Fircooniga ah.

Waxaa xisbigu u taagan yahay sidiii wax loo bari lahaa caruurta INDHAHA IYO DHAGAHA LA’  Waajib culus oo khaas ah ayaa ka saaran dowlada iyo bulshadaba sidii wax loo bari laha dadkaa laxaadka la’ iyadoo loo samaynayo dugsiyo iyo meelo waxbarasho oo u khaas ah.

Waxbarashada dalka waxaa ka masuul ah dowlada ,meelaha waxbarashada sida mal-caamadaha dugsiyada jaamacadaha iyo meelaha cilmi baadhista oo dhan waxay  hoos iman doonaan dowlada . waxaa la ilaalin doonaa tayada waxbarashada iyo casriyeynta  habka waxbarashada . Si aanay u soo bixin dugsiyo mujtamac wanaagsan yahay amaba laga aduun badan yahay iyo dugsiyo kuwa aduunka badan  waxa lagu dhaqaaqi doonaa sidii loo tirtiri lahaa aqoon-darada, tiiyoo la samayndoona waxbarasho dadka waaweyn. Waxaa lagu xidhi doonaa shaqaalaha wax qorka iyo wax akhriska si loogu qasbo waxbarashada.

 

 

Xisbigu wuxuu xoojinta doonaa, dadka degaanka si ay gacan ugu yeeshaan talada waxbarashad ubadkooda iy wadida dugsiyada degmadooda. Xisbigu wuxuu culays saari doona sidii ardayda Somaliland loo bari lahaa taariikhdii madoobayd ee ka soo martay midawgii Somaliland iyo Somaaliya xasuuqii maamulkii Siyaad Barre  ee adeegsanayay dadka Somaliya ay u gayteen dadka reer Somaliland , Si aanay mar danbe ugu dhicin mujatamaca Somaliland in ay qaateen talaabadii qaladka ahayd ee 60kiii , waxaa  lagu nuux-nuuxsan doona kala duwanaanta dhaqan iyo caado ee bulshada Somaliland iyo Somaliya.

Xisbigu wuxuu dhiirigelin doona waxbarashada diinta Islaamka tiiyoo macalinka diintu ka mushaharo badan doono macalimiinta kale. Waxa qasab noqon doonta in ardaygu shahaado helin doonin hadii aanu gudbin maadada diinta.

 

SIYAASADA DIBADDA EE XISBIGA:

Xisbigu wuxuu ogol yahay ixtiraamayaa Axdiga UN-ta iyo OAU-da iyo Xeerarka Caalamiga ah wuxuu ixtiraamayaa wax alaaliyo wixii heshiisyo caalami ah iyo Gobol ah . Wxuuu xisbigu u taagan yahay xoojinta nabadgelayada aduunka iyo ilaalinta cimilada iyo deegaanka dunida.

Xisbigu wuxuu soo dhawaynayaa isku soo dhawaanshaha iyo wax wada qabsiga Aduunka (Globalization). Isla markaa ma ogolaanayo wixii wax u dhimaaya Diinta Islaamka ,Dhaqanka Islaamka iyo Qaranimada Ummada. Xisbigu wuxuu iska caabiyi doona waxii ixtiraam daro ah iyo farogalin arimaha gudaha dalka ee kaga yimaada Shirkadaha Caalimaga ah ee waaweyn ee Hantigoosadka (International Multinational Companies), iyo shirkadaha waaweyn ee Iskaashatooyinka (International Cooperatives). Xisbigu wuxuu iska caabiyi doonaa wax alaaliyo wixii cadaadis ah ee kaga yimaada wadamada xooga waaweeyn ee wax udhimaya sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.

Xisbigu wuxuu soo dhawenayaa isku soo dhawaanshaha caalamka (Globalization) iyo wax wada qabsiga aduunka, dhinaca kelana marna xisbigu ma ogolaanayo wixii qaranimada iyo madaxbanaanida ummada wax yeelaya.xisbigu wuxuu wax kastaba ka saraysiin doonaa ilaalinta iyo xafidaada Diinta Islaamka iyo Dhaqankeeda.Tiiyoo xor loo yahay in la helo wararka(Information) iyo wargeysada ayaan la ogolaandoonin waxii wax u dhimaaya dhaqanka Islaamka iyo Asluubtiisa.

 

Waxaa la samayen doona sharciyo  ilaalin doona muwaadiniinta ee ka shaqeeya Shirkadaha Ajaaniga iyo caafimaadka iy nabadgelyada hooyga shaqada.Waxa laga ilaalin doona shaqaalaha reer Somaliland in ay ku dhacdo dhiigmiirasho iyo dulaysi. Waxa la samayn doonaa sharciyo u gaara ah haweenka shaqeeya oo siinaya xuquuq dumarka u gaar ah .Waxa laga ilaalin doona in shaqo dumis ku keento qoyska reer Somaliland.

Inkasta oo uu xisbigu dhiirigelinaayo isla socodka alaabta iyo hantida ee aduunka hadana si aanay u dhicin Qaskii Dhaqaale ee Asia 1998 (Asia Economic Crisis) iyo kii Raashia waxa xaq uu u leeyahay Banka Somaliland in uu faragaliyo Socodka iyo sarifka lacagaha qalaad. Siyaasada Dibada ee xisbigu waxay ku salaysantahay wax wada qabsi ,sinaan iyo is faragalin la’aan. Xisbigu ma ogolaan doono siyaasadii dadka reer Somaliland raali ka ahayn kana soo horjeeda ummada.Markastaba xisbigu wuxuu ixtiraami doonaa kana turjimi doonaa rabitaanka ummada. Xisbigu wuxuu kula dhaqmi doonaa aduunka siyaaasad furfuran oo ku salaysan iskaashi dhaqaale iyo Tignoolijada Cusub. Xisbigu wuxuu dhiirigelindoona ganacsiga cilmiga ku dhisan ee asqaynin baayac mushtariga wadaniga ah. waxaa                     la ilaalin doona danaha ganacsiga iyo hantida ganacsatada Somaliland. Waxa lagu dhiiri galindoonaa ganacsatada   shisheeyaha in ay la shuraakoobaan ganacsatada wadaniga.

Xisbigu wuxuu soo dhawaynayaa Urur Goboleedka IGAD, waxaanu ku dadaali doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee Somaliland xubin uga noqon lahayd .Xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii wadamada IGAD iyo guud ahaan wadamada Afrikada Bari u yeelan lahaayeen xidhiidh wanaagsan loona dhamays tiri lahaa wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ku dhex jira,si ay suurtagal u noqonto wax

wada –qabsi iyo ganacsi caafimaad qaba. Xisbigu wuxuu dhiiri -galindoonaa ganacsiga xora ah “ Free Trade and Flow of Goods and Capital “ iyo qulqul qalab iyo lacageed oo dhex mara wadamada IGAD.

Somaliland iyo Itoobiya waxay wada samaysan doonaan gudiyaal ka masuul ah wax iskaashiga labada dal. Madaama Itoobiya aanay lahayn soohdin badeed waxay Somaliland ka gargaari doontaa gacanna ka siin doontaa Itoobiya u isticmaali lahayd dekadaha Somaliland Itoobiya oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaaso 60 malyuun beeralay u badan ,Somaliland waxay u tahay suuq cidina kula tartami jirin ,hadii loo helo siyaasad cilmiyaysan oo miisaaman.Somaliland oo la lahaan jirtay Itoobiya ganacsi soo jireen ah , wuxuu xisbigu ka shaqayn doonaa sidii loo celin lahaa loona casriyayn lahaa.

OODBA AB KA DHOW,inaga oo ka shish qaadanayna maahmaahyada Somaliyeed xisbigu wuxuu u taaganyahay isku soo dhawaanshaha labada dal ee dariska ah Somaliland iyo Itoobiya.Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doona talaabo kasta ee aan wax u dhimayn qaranimada iyo Karaamada Somaliland ee ah danta ummada iyo stratejiyada dalka. Xisbigu wuxuu ilaalin doonaa danta ummada reer Somaliland .

Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii uu kaalin firfircoon uga qaadan lahaa siyaasada aduunka Xisbigu ma noqondoono soo raac ee wuxuu noqondoonaa hogaamiye marka laga hadlaayo xaalada aduunka. Xisbigu wuxuu dejin doonaa siyaasad qeexan oo ku salaysan aragti iyo      u fuq-dheer oo isku miisaaman joogtana ah.

Xisbigu wuxuu qaadi doonaa Afti/Referendum in Somaliland ku biirto Ururka Jaamacada Carabta iyo in kale. Isla markaa xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii Somaliland dib uga noqon lahayd xubin Ururka Barwaaqo Sooranka  “ Common Wealth”, oo ay wayday markii la midowday soomaliya 60kii.

Xisbigu wuxuu soo afjari doonaa dhacii iyo xuquuq la’aantii lagu hayay dadka reer Somaliland ee ka xoogsan jiray dalalka Gacanka Carabta. Dadkaas oo loo caadaystay in la dhaco hadii ay hadlaana la soo mastafuriyo. Waxa kaloo xisbigu baadi dooni doona dadkii ganacstada xoolaha ee lagu dhacay xoolahoodii dalka yaman markii aan dalkeena la aqoonsanin

Waxaa xisbigu dib u furi doonaa dacwadii dadkii dawlada Sacuudiga soo mustaafurisay ee ay magaalada Berbera ku oo qubtay sanadkii 1988kii marki dagaaka xorayntu ka socday Somaliland dadkaas oo ay faqash ku dishay magaalada Berbera tiiyo u ammarka bixiyey Aden Gobyow oo markas ku sugnaa magaalada Berbera oo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ee Faqashata markaa.

Xisbigu wuxuu sidaas oo kale u samayn doonaa GUDIDA dabagalka  iyo soo qab-qabashada gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyey xasuuqii dadka reer  Somaliland iyo burburinta magaalooyinka Hargeysa iyo Burco . xisbigu wuxuu qaadi doonaa hab kasta mid cad iyo mid qarsoonba oo dadka sharciga loo keeni lahaa .

Maadaama oo xasuuqii dadka reer Somaliland uu ahaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca Aduunka intii ka dambeysay dagaalkii labaad ee aduunka ,kana horeeyey kii Ruwaanda, Bosniya iyo Kosovo,laakiin waayay wax u hadla ,xisbigu wuxuu ku qasbi doonaa UN-ka inay ay arintaa xasuuqa dadka reer Somaliland kala mid dhigtaa kuwa kale ee ay gacanta ku hayso maxkamada caalamku.

Xisbigu wuxuu kale oo uu ka shaqayn doonaa sidii loo baadhi lahaa maxkamadna loo keeni lahaa dadkii ka dambeeyey xasuuqii ka dhacay maqaaxidi Hargeysa ku taalay sannadkii 1994 aakhirkii sidii lagu dilay todoba qof oo ka mid ahaa Muj. INA CADAMI. Arintaas oo ahayd wax ku cusub dhaqankeena aad iyo aadna argagaxiso u ahayd , waxaa lama huraan ah in xisbigu dhacdadaa foosha xun naxdinteeda leh la baadho , si aanay dib waxaas oo kale u dhicin.

Xisbigu wuxuu dib u baadhi doonaa dadkii ka soo jeeday Somaliland ee ka qayb gali jiray shirarkii shirqoolada ahaa ee loogu dan lahaa in lagu mijaxaabiyo jiritaanka Somaliland.Dadkaas oo siday u kala danbi wayn yihiin laba loo kala saari doono.

Waxa kale oo la baadhi doonaa dadkii dowlada Jabuuti ku soo daadisay xadka Lawyacdo iyo Geesdir ee badhna Faqashtu dishay badhna cadceedu dishay.

Waxaa kale oo xisbigu dowlada Jabuuti kala xaajoondoonaa sidii dadaka ka so jeeda Somaliland eek u noolaa Jabuuti ay xuquuq buuxda u heli lahaayeen .Saamigooda siyaasadeedna loo siinlahaa. Waxa la furi doonaa dacwooyinka muwaadiniinta Somaliland ee lagu dhacay dalalka Carabta iyo Jabuuti. Waxa la bilaabidoonaa siyaasad dadka iyo dalalka lagu raaridayo in dalkii qof reer Somaliland ah wax yeel la mid yahay inuu wax yeelay dalka Somaliland . Dowlada Somaliland waxay ku qasban tahay waajibna ku ah in ay gacan siiso muwaadin kasta oo xaq daro sheeganaaya ,dal kale amaba dad ajnabi ku sameeyey.

Xisbigu wxuuu kula dhaqmidoonaa daris wanaag reer Somaliya hadii ay ku guulaystaan in ay dowlad samaystaan.Hadii Ilaahay ku guulaysiiyo dhimo qaran iyo dowladeed ,wuxuu xisbigu u taaganyahay la xisaabtan dheer oo dalka la lala yeesho .Marka hore waa in ay ay ka soo baxaan shuruudaha.

*Waa in ay gacan ka gaystaan sidii ay gacancta Somaliland u soo galin lahaayeen gacan ku dhiiglayaashii ka masuulka ahaa xasuuqii la gula kacay reer Somaliland

*Waa in ay ka qaadaan masuuliyada qofkii gacan ku lahaa xasuuqa reer Somaliland heer kasta ha joogeene.

*Waa in laga heshiiyaa sidii looo heli lahaa hantidii 30ka sano dadka Somaliland ku yeesheen        Koonfur J.soomaliya

* Waa in ay joojiyaan isticmaalka wax alaaliyo waxii ka soo jeeda Somaliland ee gaar u ahaa 60kii ka hor sida Emblaka Poliiska iyo Heesta Calanka iyo iwm.

*Waa in ay dusha u ritaan wixii dayn ah ee dowladii Koonfuri ku lahayd madaxda laguna galay magac J.somaliya laxaadkeeda ,madaama kharashka amba amaahda badankeeda ay jeebka ku shubteen madaxdii siyaasada ee reer Koonfuri intii kalena la galiyey dhulka Koonfurta.

Hadii ay ku guulaysan waayaan in ay dowlad samaystaan .Somaliland waxay ku qasbantahay in ay beel-beel ula gasho heshiisyo ,isla markaana sugtaa nabadgelyada dadkeeda iyo sugnaanta danteeda . Waxay iskeed ku soo qab-qaban doontaa gacan ku dhiiglayaasha  meesha ay ka joogan Somaliyaba.Somaliland  waxay gacan daacada ah ka gaysandoontaa sidii loo samayn lahaa soomaliya dowlad loo dhan yahay oo ay heshiis ku yihiin dadka Somaliya.Maadaama Somaliland cid kastaba ka ogtahay mushkilada Somaliya waxaa ku waajib ah inaynu gacan aan dan gaar ah ka lahayn ka gaysato daacad ah.

Xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii Carabta gacanta ugala bixi lahayd arimaha Somaliland iyo Somaliya , Waxaa dib loo baadhidoonaa xidhiidhkii Somaliland iyo Carabta ee ku salaysnaa caadifiyada iy mala’awaalka .waxaa si qoto dheer loo baadhi doonaa xidhiidhka inaga iyo Carabta inoo dhaxeeyey

Iyada oo laga duulayo waxtarkii iyo ficilkii Carabta ee sanadihii Ururii SNM iska caabiyey barnaamijkii Dabargoynta Isaaq ee Faqashta iyo sanadihii ka dambeeyey ridniinkii Taliskii Afwayne iyo la soo noqoshadii madaxbanaanidii Somaliland ee 18kii May 1991.

Xisbigu wuxuu jeexi doonaa dajinta siyaasad qaran oo casriyaysan kana daba tagi doonta sidii loo sixi lahaa waxii xumaaday 30kii sano ee Somaliland ku jirtay gacanta Somaliya. Waxaa la soo celin doonaa lana howl gelin doonaa khubaro ku xeel dheer Cilmiga Siyaasada “Political Science”. Waxaa la dhisi doonaa Wasaarad Arimo Dibaadeed oo casriya kana shaqeeyaan dad aqoon u leh diblomasiyada iyo xeerka caalamka “International Law”. Waxa la soo afjari doonaa wakhtigii qofka loo gayn jiray shaqada in uu mushahar ka helo.

Xisbigu wuxuu samayn doonaa Wasaarad Arrimaha Dibbada oo ka masuul ah danaha dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalka dibadiisa .Waxa taas oo ka masuul noqon doonta ilaalinta iyo dhowrista hantida iyo xuquuqda dadkaas.Safaaradaha Somaliland waxa lagu amri doonaa inay naadiyo (Clubs) oo sameeyaan Qurbo joogta Somaliland

Waxa kale oo ay Wasaaradu samayndoontaa wax wada Qabsiga Caalamka “International Cooperation Department”. Waxay wax ku shaqayn doontaa sidii Somaliland aduunka wax ugala qabsan lahayd kana mid noqon lahayd mooshinkan “Globalization” is dhexgalka iyo isku xidhnaanta aduunka waa qayb ka mid ah habka loo horumarinaayo bulshada Somaliland “World Intergration &Interconnectedness of The World of Developing the Somaliland Society”.

Waaxdani waxay ka masuul noqon doontaa shaqada Ururada aan dowliga ahayn “Non-Governmental Organization NGOs”, ee wadani iyo caalimiba “National and International”. Waaxdu waxay ku talagalin doontaa kharash ay Ururada wadanigu “Local NGOs” ku qaban lahaayeen mashaariicda horumarinta dalka . Waxaa la dhiiri-gelindoonaa sidii Ururada Rayidka ahi ” Civil Organizations” aqoontooda iyo hantidoodaba bulsho kor loogu qaadi lahaa, si ay gacan uga gaystaan horumarinka iyo casriyaynta dalka.

SIYAASADA CAAFIMAADKA EE XISBIGA:

Siyaasada guud ee xisbiga eeku wajahan caafimaadka dalka waxaa u sal ah daryeelka guud ee caafimaadka “General Health Care Policy”

Waxaa ku waajib ah kuna qasab ah dowlada sidii qof kasta oo muwaadin Somaliland ahi u heli lahaa daryeel caafimaad .Waa waajib dowlada saran in ay xilqaado ruuxii la soo cadeeyo in aanu tamar iyo awood u lahayn in uu iska bixiyo kharashka dawada.Dowlada waxay ka mas’uul tahay dhismayaasha hoygaga caafimaad sida xarumaha lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka “Child and Mother Centres” iyo xarumaha dhexe ee caafimaadka (Health Care Centres) in ay ka hirgaliso dhamaan dalka heer gobol ,degmo iyo tuulaba.

Qaab u shaqeynta xisbigu dhinaca caafimaadka(“General Programme of work”) xisbigu isaga oo tixraacaya distoorka dalka eegayana qaabka daryeelka bulshada qodobkiisa 28naad. Xisbigu aragtidiisa dhinaca caafimaadka iyo hab u shaqeyntiisa waa sidan

Is Bedelka Caafimaadka ee Somaliland (The changing context of Somaliland Health)

Labaatankii sano ee udanbeeyay Somaliland waxay soo martay marxalado aad u adag. Waxa isbadal wayni ku yimi aas aaskii caafimaadka tayo iyo tiro labadaba. Waxa kaloo isbadal ku yimi cudurada dalka oo ay kusoo biireen cuduro cusub oo kuwii hore ujirayna aad ufideen labaatankaa sano.dhinaca dhaqan bulsheedka iyo dhaqaala Somaliland ayaa hoo udhac wayni ku yimi. Xisbigu isagoo yamxeerinaya arimahaasoo dhan.

Xisbigu waxa uu arkaa caafimaadku inuu yahay saldhiga xaqa shakhsiga (health fundamental human right).

Xisbigu isagoo xaqa shakhsigu uleeyahay caafimaadka amaba qaadaya wuxuu ku shaqayndoonaa istiraatijiyada ku haboon oo sida tan ah:-

Istiraatijiyada loo raacayo caafimaadka (strategic directions of Somaliland health).

Ujeedada xisbigu waa in uu dhisaa bulsho caafimaad qabta lana dagaalanta cudurada. Si uu xisbigu u gaadho ujeedooyinkiisa,waxa uu raacayaa afar istiraatijiyo qeexan. istiraatijiyada koowaad

  1. Hoos udhigid dhimashada xad dhaafka ah,bukaanka iyo naafawga,gaar ahaan dadka aad danyarta u ah sida reer miyiga.(reducing exess mortality ,morbidity and disability,speciely in poor and marginalized population).
  2. Kor uqaadid hab nololeedka caafimaad ku dhaqanka ah iyo hoos udhigid arimaha khatar galin kara caafimaadka kuwaas oo ka iman kara dhinaca deegaanka,dhaqaalaha,iyo hab dhaqanka bulsheed(promoting healthy life styles and reducing risk factors to human healthy that arise from environmental ,ecomomic,social and behavioral couses).
  3. Kobcin ama samayn hab caafimaad oo suga sinaan horumarineed kana jawaaba baahida dadwaynaha ee xaqa ah kuna salaysan qiimo lacageed suurta gal ah.(developing health systems that equitably lmprove health outcomes, respond to peoples legitimate demands, and are financially fair.)
  4. Saabid qaab siyaasadeed udhisaysa jawi abuura hab caafimaad horena uqaada nolol bulsheedka ,dhaqaalaha iyo degaanka.(framing and enabling policy and creatin and institutional environment for the healthy sector ,and promoting and effective health dimension to social ,economic ,environmental and development policy.)

Afartaa istiraatijiyadood way isku xidhan yihiin.caafimaadka dadkana hore looma daryeeli karo hadii midkaliya la adeegsado .caafimaadku ma aha wax dugaan laga soo iibsan karo ,lama miisaami karo oo kilo ama meter caafimaad ma jiro .sidaa darted waxa uu la amba qaadaa dhaqaalaha,aqoonta ,cuntada nafaqada leh ,hab caafimaad ku dhaqan biyaha ,hoyga ,nabada ,iyo deegaanka nololeed ee mujtamacu ku nool yahay .

Xisbigu waxa uu xooga saarayaa sadexda cudur ee dilaaga ah qaaxada,kaneecada ama duumo, iyo cudurka halista ah ee HIV-AIDS.

Caafimaadka hooyooyinka iyo dhalaanka (child and maternal healthy).

Caafimaadka maskaxda (mental health).

Cudurada aan la isqaadsiin(non-communicable diseases ) sida kansarka,cudurada qalbiga ,kaadi sonkorowga,iyo wxii lamida ah.cunto fayaw(food safety )dhiig fayaw(blood safety) iyo hab caafimaad (health system) oo gaadha bulshada ,sida caafimaadka aas aasiga ah(primary health care) halkii ay boqol qof ku nool yihiin. Xisbigu wax uu xooga saarayaa in dawo tayo lihi dalka so gaadho aanu aasaaska u dhigno warshad dawo samayn. Dawo xumi wayka khatarsantahay dawo la’aan.

Qaab ushaqaynta xisbiga ee degaanka Somaliland waa dal bad ,buuro ,oogo iyo hawd ah ama daaqsi ilaahay siiyay.Hase ahaatee wali dadku waa ka qatan yihiiin waana ka agoon ka faa’idaysiga waxa uu ilaahay siiyay. Ddegaan waxa uu xisbigu ku macnaynayaa waxa uu dadku ku noolayahays ida,biyaha,dhulka,dushiisawaxa yaal(Flora and Fauna), hawada,buuraha,iyo wada jirka ama isku tiirasanaanta noolaha iyo waxa aan noolayn(Ecosystem).

Somaliland wali lama jaangoyn dhulka daaqsinka ah iyo ka beeraha. Lama maarayn dhulka macdan ka soo saark iyo kan dal xiiska. Lama jaangaoyn lamina taswiirin (catography)isu soo ururinta tuulooyinka ama intay magaaloyinku ku eekaanayaansanadka 2050.

Dhinaca biyaha nadiifta ah, Somaliland boqolkiiba shan qof ayaa caba biyo nadiif ah 5%, dhinaca musqulaha boqolkiiba laba qof ayaa musqul ama baytel mey leh,Dhinaca khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay ina siiyay haddana aan ka qatanahay wax aka mid ah wax aliyaalo wixii bad ku jira xeebaha. Dhinaca dhulka waxaan ka qatanahay midha caadiga u baxa sida madheeedhka ,hobhobta,dhafaruurta,fara xuunshada,gacayro,like,tamayuluq,himir, iyo dhamaan dheecaanada ay dhirtu soo dayso sida xabagta,milmisha.

Xisbigu wuxuu la fajacsanyahay,tii oo sanad walba uu roob da’o, dooxyada dalka oo lagu qiyaasay ilaa sagaal kun sided boqol iyo lixdan(9860 doox),biyaha marana lagu qiyaasay isku cecelin shan boqol oo bilyan oo faanto sanal walba hadana aan ka haraadanahay waa wax lagu qoslo.

Xisbigu waxa uu oo xooga sarayaa in dooxyada dalka la xidho waxaanu u samayn doonaa waklaada dooxyada isaga oo la kaashanaya wasaarda hawlaha guud.Bulshad reer somalilandna ku dhiiri galin doona habka ay uga faa’iidaysanayaan khayraadka bada iyo barigaba.Xisbigu waxa uu jangoyn u samayn doona dhulka ku haboon beero iyo kan daaqba.

Xisbigu waxa uu daryeeli doonaa degaanka sida dhirta iyo ugaadha. Xisbigu isga oo fahamsan deegaan la’aan waa dad la’aan, wuxuu bulshada iyo dhamaan wax barasha ku baahin doonaa  habka daryeelka deeganka iyo ka faa’iidaysigiisa. Xisbigu wuxuu fiiro gaar ah siin doonaa reer miyiga oo baahi biyo iyo baad ka taagan yihiin. Wuxuuna  xisbigu eegi doonaa dadka dalka iyo xooluhu in uu degaankau qaadi karo tiiyoo uu tirakoob ku samayn doono dadka iyo xoolahaba.

Dhinaca xooga ama quwadda  ama shidaalka (fuel  energy) dadka Somaliland waxa uu shitaa xaabo, wax dhir ah oo la beeray  looguna talo galay shidaal ma jiro,Xisbigu wuxuu eegi doona isku dheeli tirka  baahida shidaalka iyo kobcinta dhirta ama shidaal raadis kale.

SIYAASADDA WAXBARASHADA EE  XISBIGA:

Si loo dhiso bulsho hanaanka barnaamijka xisbiga, isla markaana dhista mujtamac casri ah wuxuu xisbigu gelin doonaa dhaqaale badan waxbarashada dalka. Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doona in loo helo waxbarasho ilma kaste oo reer Somaliland ah, ugu danbayntana waxa xisbigu ku dadaali doonaa in qasab laga dhigo waxbarashada ilaa fasalka sideedaad.

Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii loo hirgalin lahaa waxbarasho ka soo jeeda dhaqanka diinta islaamka ah, taas oo qofka ka dhista dhinaca iimaanka,islaam ahan ,qof ahan, taas oo qofka horumarisa bartana nolosha fiican iyo habka toosan ee mujtamaca kulana noolaan laha kuna ilaalin lahaa xuqquqdiisa iyo waajibka ka saran ilaalinta iyo difaaca diintiisa iyo dalkiisaba. Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii dalka looga hirgalin lahaa waxbarasho ku salaysan wax soo-saarka iyo tignoolajiga cusub. Tacliin aan ku fadhiyin wax ku cu nee ku salaysan wax ku kordhi, waxbarasho tayo iyo tiraaba leh.

Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii looga hir galin lahaa wax barashada dadka heer tuulo,degmo iyo gobolba.Xisbigu wuxuu ku shaqayn doonaa sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa reer guuraaga iayadoo la samayn doono waxbarasho ka mas’uul ah waxbarashada reer guuraaga, Waxa laga dhigi doonaa waaxda ugu mushaharka badan wasaarada, iayadoo dhinaca kale macalinku ka mid noqon doono dadka deeganka lana bari doono hawshan deegaanka, uu noqon doono shaqaalaha ugu mushaharka badan somliland.

Xisbigu wuxuu ka dhigi doonaa waaxda waxbarashada reer guuraaga mid socota(mobile education unit). Waaxdaas waxaa lagu qaabili doona qalabka waxbarashada ee casriga ah iyo macalimiin si gaar ah loo soo tababaray. Xisbigu wuxuu xooga saari doona sidii wax loo bari lahaa ilma kasta oo reer Somaliland ah meel kasta ha joogee. Xisbigu wuxuu u taagan yahay in jahliga laga dhamaystiro Somaliland sida ugu dhakhsaha badan si looga baxo faqriga iyo baahida oo ah hooyada xumaanta iyo danbiga.

Xisbigu wuxuu hubin doona waxbarashada caruurta ka soo jeeda guryo hanta yar iyo dadka laga tirda badan yahay . Waxaa lagu caawin doona waxbarasho bilaasha ah, lacag la’aan ah. Marka la hubiyo in wax la’aantu ka dhab-tahay. Isla markaa waxa dawlada ku waajib ah ian ay tiro cayiman u banayso jaamacada iyo meela waxbarashada sareba caruurta fuqarada ah iyoi dadka laga tirade badan yahay.

Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doona sidii loo casriyayn lahaa farsaomo yaqaaniinta dhaqan sida (traditional skills) tumaalah iyo kaba tolayaasha, loogana saari lahaa magic xumadii badawnimo ee saarnayd.

Xisbigu wuxuu samayn doona barnaamijyo iyo mashaariic u gaar ah horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo hoyga mujtamaca laga tirada badanyahay ee hore loo yasi jiray. Waxaa laga shaqayn doona sidii loogu abuuri lahaa isku kalsooni iyadoo dhinaca kalana la horumarin doono hantidooda iyo wax lahaanshahooda. Waxaa la qaadi doona olole diineed oo sharaxaysa ka soo horjeedka diinteena suuban ee yasida muslimiinta iyo dadkaba guud ahaan.

Xisbigu wuxuu dhiiri gelin-doonaa waxbarashada furfuran ee aan ku soo ururin hal meel (Decentralized Education system). Tiiyoo waxbarashada sare ee dalka aan hal meel amaba labo meelood lagu soo koobayn, Gobolkastana waxa laga hirgelin doonaa waxbarashada sare eek u haboon,isla markaa waxa la samayn doonaa magaalooyin u khaas ah cilmiga cusub iyo tignoolajiyada . Xisbigu wuxuu samayn doonaa machadka tiknoolajiyada “institute of technology” kaas oo khaas u noqon doona horumarinta sayniska iyo cilmiga cusub. Xisbigu wuxuu ugu deeqi doonaa lacag badan si loo dhiiri geliyo cilmi barayaaasha Somaliland.

Si looga saaro mugdiga bulshada, xisbigu wuxuu xooga saari doona barashada kitaabka kariimka ah iyo xadiisyada rasuulka SCWS. Si loogu ababiyo caruurta Somaliland diintooda iyo sunnaha nebigeena suuban SCWS,xisbigu wuxuu casriyay doonaa mal-caamadaha quraanka, iayada oo la tababari doono macalimiinta isla markana mushahar loo qori doono.

Xisbigu wuxuu xooga saari doonaa sidii loo dhisi lahaa dugsiyada farsamada si looga maarmo farsama yaqaaniinta shisheeyaha ee ka qaada shaqada muwaadiniinta reer Somaliland.Waxa la diyaarin doonaa dugsiyo wax lagu baro shaqaalaha, shaqaalihii mutaystay shahaado dugsi, ay waajib noqon doonto xaqna u lahaan doono in mushaharka loo kordhiyo isla markaana la dalacsiiyo.

Xisbigu wuxuu samayn doonaa machadyo takhasusu ah shaqaalaha aqoontooda kor laagu qaado, wxuu maal gelin wayn ku samayn doonaa dugsiyada lagu baranaayo horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga.

Xisbig wuxuu hirgelin doona barnaamika iyo habka waxbarasho ee furfuran, tiiyoo degmo kastaaba ay xaq u yeelan doonto talada dugsiyada. Waxa hagida iyo go’aamada dugsiyada wax laga siin doona waalidka ardayda iyi duqeyda degmada.

Xisbigu wuxuu ku talin doonaa in la kala saaro dusiyada wiilasha iyo gabdhaha, tiiyoo aynu soo marnay dhibaatadeeda iyo khasaaraheeda, isla markaana diinteenu ina farayso, wajibna inagu in aynu raacno. Waa wajibka dowlada siiba wasaarada waxbarashada in ay hubiso in hablaha iyo inamada si siman waxbarashada u helaan, si loga hortago dhaqankii hablaha aanay tacliinta loo wada keeni jirin. Waxaa iayada ah masuuliyada wasaarada diinta, waxbarashada iyo caafimaadka ka hortaga iyo joojinta gudniinka fircooniga ah.

Waxaa xisbigu u taagan yahay sidii wax loo bari lahaa caruurta, INDHAHA IYO DHAGAHA LA’. Waajib culus oo khaas ah ayaa ka saran dowlada iyo bulshadaba sidii wax loo bari lahaa dadka laxaad la’ iyadoo la samaynayo dugsiyo iyo meelo wax barasho oo u khaas ah.

Waxbarashada dalka waxaa ka masuul ah dawlada, meelaha wax barashada sida mal-caamadaha, dugsiyada, jaamacadaha,iyo meelha cilmi baadhista oo dhan waxay hoos iman dooonaan dawlada.

Waxaa la ilaalin doona tayada waxbarashada iyo casriyaynta habka wax barasho. Si aanay u soo bixin dugsiyo mujtamaca wanasanyahay ama laga aduuuun badanyahay iyo dugsiyo kuwa aduunka badan.Waxaa la dhaqaajin doonaa sidii loo tiriri lahaa aqoon darrada, tiiyoo la samayn doono waxbarasho dadka waawayn. Waxaa lagu xidhi doonaa shaqaalaha wax qorka iyo wax akhriska si loo qasbo waxbarashada.

Xisbigu wuxuu xoojin doonaa, dadka degaanka si ay gacan ugu yeeshan talada waxbarashada ubadkooda iyo wadida dugsiyada degmadooda. Xisbigu wuxuu culays saari doonaa sidii ardayda Somaliland laa bari lahaa taariikhdii madoobayd ee ka soo martay midawgii Somaliland iyo Somalia. Xasuuqii maamulkii siyaad barre oo adeegsanaya dadka Somalia ay u gaysteen reer Somaliland. Si aanay mar danbe ugu dhicin mujtamaca Somaliland in ay qaataan talaabadii qaladka ahayd ee 60kii, waxaa lagu nuux-nuuxsan doonaa kala duwanaanta dhaqan iyo caado ee bulshada Somaliland iyo Somalia.

Xisbigu wuxuu dhiirigalin doona waxbarashada diinta islaamka tiiyoo macalinka diintu ka mushaharo badan doono macalimiinta kale. Waxa noqon doonta in ardaygu shahaadada heli doonin hadii aanu gudbin maadada diinta.

SIYAASADDA HORUMARINTA XOOLAHA IYO KHAYRAATKA BADDA EE XISBIGA:

Maadaama ilaahay inagu galaday xoolo daban iyo xeeb dheer, waxaa ka go’an xisbiga inuu fiiro gaar ah laba dhinaca ee hore loo baahanyahay.

……………………………………………

 

Waxaa la casriyayn doonaa goobo caafimaad ee tuulooyinka miyiga dhaw si dadka xoolaha dhaqatadi uaga faa’iidaystaan caafimaadka reer guuraagana kor loo qaado, kana maarmaan magaalooyinka waaweyn. Waxaa loo qoondayn doonaa miisaaniyad wayn horumarinta xoolaha iyo xoolo dhaqataba. Waxaa culayska la saari doonaa sidii loo hrumarin lahaa daaqsinka xoolaha iyo biyaha ay cabaanba.

Waxaa la samayn doonaa maalin alagu xuso reer miyiga iyo xoolaha (tiiyoo dadka laga dhaadhicinayo faa’iidada xoolaha ay u leeyihiin dadka iyo dalkaba) kaas oo lagu qaadaa dhigi doon dhaqanka iyo nolosha reer guuraaga. Waxaa la gu dari dadka xoolo dhaqatada gudiyaasha iyo hogaamiyayaasha Wasaarada xoolaha iyo Khayraadka Badda. Waxa lagu baran doonaa daaweynta xoolaha oo soo jireenka ahayd si ay uga faa’iidaystaan dhakhtarada wakhtigani. Waxaa la so oaf jari doona hoos u dhiga ka jiray xoolo dhaqatada ee loo qabay wax laga ilbaxo.

Xisbigu wuxuu mudnaanta siin doonaa hagaajinta iyo sidii loo wanaajin lahaa nolosha, waxbarashada iyo caafimaadka xoola dhaqatada . waxa la sahamin doonaa sidii xoolaha loo yaran lahaa inay guurguuran,isla markaana loo beeri laha cawska iyo dhirta geelu jecelyahay inuu cuno, Geela oo ah calaamad dalkeenu ku caanyhay nolosheena iyo dhaqankeena ku lifaaqantahay waxa laga maarmaan ah in culays la saaro sidii loo kordhin tiradiisa iyo tarankiisaba.

NOOCA DAWLADEED EE XIBIGU DHISI DOONO:

Xisbigu wxa uu u taagan yahay inuu dhiso dawlad shareecada islaamka iyo dastuurka dalku yihiin hay’ada ugu saraysa dalka. Dawlad dadku u siman yahay oo ka shaqaysa daryeelka guud iyo dimuqraadiyada shacbiga, ku yar iyo ku wayn, rag iyo dumar  , faqiir iyo taajir. Wuxuu xisbigu hirgalin doonaa dawlad loo wada dhanyhay oo KU SALAYSAN DARYEELKA LOO DHANYAHAY qofna la dhaafayn (inclusive walfare state).

Xisbigu wuxuu dhisayaa dawlad xukunku kala qaybsanyahay kana koobanyahay :

GARSOOR(JUDICIARY)

BAARLAMAN

MADAXTOOYO

Waxaa la baabin doonaa wasaarada cadaalada maxkamaduhu cidna ma hoos iman doonan ee iskood ayay u madax banaanaan donaan. Waxaa la afjari doona habkii laga dhaxlay afweyne uu ahayd in xukuna lagu soo ururiyo hal qof. Waxaa la siin doonaa mushaaharo ku filan mudanayaasha baarlamanka si aanay u habran oo ay waajibkooda si sharafleh ugu gutaan.

Xisbiga waxaa ka go’an inuu dhiso dawlad ka kooban wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno tiro yar, laakin aqoon leh, kuna salaysan qaab beelood iyo gobolo. Waxaa la dhisi doonaa dawlad firfirciin oo adag si baxsanna uga turjumaysa rabitaanka dadka iyo himiladooda gaamurtay. Dawlada sharciga iyo nidaamku ka sareeyo danaysiga shakhsiga ah una dabacsan baahida iyoqanciska bulshada. Dawlad la jecelyahay lagana baqo oo la karhin.

Xisbigu waxa uu u taaganyahay sidii loo dhisi lahaa dawlad haybad leh gudo iyo dibadba

 

Waxaa ka mas’uul ah Wasaarada Tacliinta ee heer degmo qorshaha miisaaniyada iyo maamulka xarumaha. Waa waajibka dawladaha hoose in ay ilaaliyaan hab u socodaka xuramaha iyo aqoonta maclimiinta ka howl galeysa. Qofkii la yimaada shuruudaha iyo aqoonta looga baahaan yahay maclimiinta xarumaha waa la qaadan doona.

Dawlada hoose ayaa jaangoyndoonta qorshaynta iyo meelaha looga baahanyahay in laga dhiso xarumaha.

Xarumaha barbaarinta dhalaanka kuma eekaan doonaan oo kaliya u diyaarinta waxbarashada dugsiyada iyo barashada Qur’aanka iyo Asluubta Muslimka, ee isla markaa caruurta waxaa loo samayn doonaa meelaha ay ku ciyaaran. Wakhtigooda waxaa loo qaybindoonaa, waxbarasho, wathti ciyaaro iyo wakht nasasho.

Waxaa isla marka la baridoona sheeko caruureed, ciyaarihii dhaqanka iyo wax alaaliyo wixii caruurnimada lagu baran jiray miyiga-sida GOO-GAALAYSIGA. Waxaa caruurta lagu ababindoonaa muqadisanimada Diinta Islaamka,iyo waajiibaadka muwaadinka ka saaran midnimada dalka iyo difaaciisa, danta guud ee shacbiga isla markaa waxaa la baridoona ilaalinta degaanka, dhirta iyo oogada.

Waxaa dowlada hoose la socon doontaa tayada iyo caafimaadka xarumaha iyadoo oo uu xil dheerad ahi ka saaranyahay hubinta ka qayb qaadashada caruurta qoysyada dan yarta ah. Waxaa la hubindoonaa in caruurta kaloo qaadanayo xarumaha in ay noolaayeen degmada mudada loo jaro in ay xaq ku leeyihiin ka qayb qaadashada waxbarashada xarumaha barbaarinta. Intay caruurta ku jiraan xarumaha waxaa lala socon doona caafimaadkooda waxaana la qiyaasidoonaa heerka fahmadooda IQ.

Dhinaca kale waxaa xooga la saaridoonaa caafimaadka hooyada iyo kor u qaadista aqoonteeda si ay u hanato xanaanada ubadkeeda iyo barbaarinta caruurta. Hooyada waxaa la baridoona xuquuqda ILLAHAY ku manaystay ee cidna ka qaadi Karin.

BALLAN QAADKA XISBIGA

Xisbigu waxaa uu ballan qaadayaa:

12.1 Illaalinta nolosha qofka (Life sustenance)

12.2 Xafidaada nabadgelyada (security)

12.3 Mabsuudnimo shakhsi ah, dhisida niyada dadka (social and selfsteem)

12.4 Illaalinta Xuquuqda iyo Xoriyad (Rights and Freedom).

Ilaalinta nolasha qofka, waxa uu xisbigu ku dadaalayaa una taagan yahay sidii u heli lahaa muwaadin kasta cunto, Hoy (food & shelter), biyo nadiif ah, dhar iyo caafimaad.

Xafidaada\nabadgelyada (security) dhawrida iyo gacan siinta qofka markuu dhaawacmo, hanan kariwaayo quutal daruurigiisa, waayo hantidiisa fursadii uu wax ku qabsan lahaa iyo xuquuqdiisa.

Xuquuqdiisa iyo xoriyada waa in qofku xaq u yeesha in uu talada dalka iyo nolashiisa si toos ah iyo sid dadbanba “directly and indirectly” gacan ku yeesho, xaq u yeesho inuu yeesho hanti xaq u yeesho +in shaqeeyo iyo in u xaq u yeesho in uu badbaadiyo hantidiisa. Waa in shakhsigu xor u yeesho in uu u socdaalo meeshii uu doono, dago meesha uu doono, laakiin xor uma laha inuu ka baxo Diinta islaamka. Waa waajibka iyo distuuriga dowlada, Difaacdo Diinta Islaamka hubsana Muslinimada muwaadinka.

Mabsuudnimada shakhsiga, waa inuu ku nolaado nolol sharaf iyo karaamaba leh, waa inuu naftiisa ku kalsoonaado, xuquuqda dadka kalena dhowro.

Xisbigu wuxuu ilaalin doonaa, adkayn doonaa, horumarin doonaa, dimuqraadiyada iyo sharafta iyo karaamada qofka ee ILLAAHAY KU MANAYSTAY cidna ka qaadi Karin. Wuxuu ixtiraamidoona xoriyatul qawlka iyo saxaafada madaxbanaan, isla markaana wuxuuna u dulqaadan Karin waxii Diinta Islaamka iyo Nabigeena suuban wax udhimaya. Xisbigu wuxuu soo dhaweeyay xoriyada qofka tii aan wax u dhimayn bulshaweynta. Marna lagama sareyn karo rabitaanka shakhsiga ku bulshaweynta.

Xisbigu wuxuu sameyn doonaa gilgil buuxa oo dhan si loo cidhib jiro dhaqan xumadii laga dhaxlay soomaaliya iyo hab maamulkii ka soo jeeday Fashigii Talyaaniga. Wuxuu xisbigu u barbaarindoonaa bulshada sidii ay gac-mahooda wax ugu qabsan lahaayeen, un yeelan lahaayeen dhaqan shaqo, isla markaana u dhibsan lahaayeen shaqo la’aanta iyo shaxaadka.

Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii loo dhisi lahaa bulsho ku nool Qaran iyo dowlad ku abtirsata dhaqanka iyo mabaadiida islaamka”VALUES AND PRINCIPLES OF ISLAM” xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo heli mujtamac iyo bulsho:

  1. Karti leh “Efficiency”
  2. Bulsho siman “Social justice”
  3. Bulsho xor ah “Free society and freedom to choose politically and Economically”

Xisbigu wuxuu ilaalindoona daryeelka iyo Danta Guud ee bulshada “the welfare and general interest of the society” isagoo isla markaa dhowraya xoriyada iyo danta khaaska ah, “Freedom and Rights of the individual”, wixii aan Diinta iyo xuquuqda bulshada wax yeelayn. Waxa la ilaalin doona hantida iyo xoriyada shakhsiga iyada soo isla markaana la daneynayo danta guud ee mujtamaca. Wuxuu xisbiga ilaalindoonaa nolosha iyo daryeelka dadka nugul ee bulshada ( Vulnerable Segment of Society).

Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo dhisi lahaa Qaran Daryeel ( Welfare State). Qaran isku celceliya dakhliga ummada “ Distribute and resdistribute the income”, ka ilaaliya in bulshada dabaqyadeeda lahaansho kala-tagin si loo helo mujtamac cidna ka khasaarin. Si loo xoojiyo xoriyadda shakhsiga xisbigu wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii dadka loogu heli lahaa shaqo. Maadaama wax la’aanta iyo shaqo la’aantu ay ku abuurto qofka habrasho iyo xoriyad darro wuxuu xisbigu la’ dagaalami doonaa shaqo la’aanta “Unemployment”.

Xisbigu wuxuu u taagaanyahay hirgalinta dimuqradiyada Islaamka, taas oo ka saraysa tan reer galbeedu ku dhisan yahay.

 

Habayntii Iyo Isku Dubaridkii

UCID-Media Group

Faisal Cadami

 

No Comments