Gudoomiyaha Xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Salaadii Ciida Soon-fureed kula tukaday Shacbiga Caasimadda Hargaysa Garoonka Kubadda Cagta Ee Masallaha .
Waxaana Gudoomiyaha Wehelinayay Masuuliyiinta ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Dalka Norway Mudane C/xakiin Ismaaciil , Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse C/laahi .
Gudoomiyaha ayaa Shacbiga Islaamka Gaar ahaan Shacbiga Reer Somaliland ku hambalyeeyay Ciida Soonfureed, isagoo ilaahayna uga rajeeyay in uu ka aqbalo acmaashi wanaagsanayd ee ay soo guteen Bishii Ramadaan .