Guddida Doorashooyinka Iyo Xisbiyada Qaranka Oo Madaxweynaha La Kulmay
Hargeysa(UCID-Media Group):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd. Diwaangalinta codbixiyeyaashu waa mid ka mid ah fureyaasha qabsoomida doorashada 2017-ka. Guddida doorashooyinka qaranka ayaa xukumadda iyo xisbiyada soo hor dhigtay habka gobollada dalku ugu kala horraynayaan diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtiga la qaban doono oo lagu sheegay horraanta bisha January ee sanadka foodda inagu soo haya ee 2016-ka. Saddexda xisbi ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin arrimahaasi, islamarkaana ku bogaadinayaan guddida doorashada.