
Hargeysa (UCID-Media Group)
Sawirro: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Gabilay.
Waxaanu Gudoomiyuhu ka qeyb-galay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu shaacinayay 9-Murashax Oo u taagan Doorooshooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo Deegaanka.
Xafladan ayaa ka dhacday mid kamid ah Garoomada Kubadda ee Gabilay, waxaana buux-dhaafiyay taageerataasha Murashaxiintan iyo madax dhaqameed-ka Deegaannada ay kasoo jeedaan Murashaxiintani.