
Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Abdirahman Irro oo kulan ay albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane #Nicholas_Berlanga, waxana ay kala hadleen arrimaha Doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda Doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxa kale oo ay kala hadleen sidii Beesha Caalamku u kordhin lahayd kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.



