
Ceerigaabo (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Iyo Masuuliyiin kamid ah hogaanka sare ee Xisbiga, ayaa maanta ka qeyb-galay, Munaasibadda Shaacinta Murashaxiinta Kala ah, Murashax Eng Maxamed Cabdi Siciid oo u taagan doorashada golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo, Iyo Murashax Cumar Maxamuud Ismaaciil oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada.
Waxaanay labadan murashax ka sharraxanyihiin Xisbiga Ucid , waana laba Murashax oo deegaankoodu isku raacay.