
Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Gabiley kaga qeyb-galay xafladda shaacinta Murashaxiinta kala ah, Murashax Aadan Daa’uud Axmed oo u taagan doorashada Golaha Wakiilada Iyo Murashax Garyaqaan Caydaruus Muxumed oo u taagan doorashada golaha deegaanka Degmada Gabilay.
Waftiga gudoomiyaha ayaa si balaaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Gabilay.
Munaasibadaasina waxay ku soo dhamaatay jawwi degen oo farxadeed.
