
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kamid ah Hogaanka Xisbiga iyo Xoghayayaasha Xisbiga ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflad Balaadhan oo lagu soo bandhigayo Murashaxiinta kala ah Maxamed Xasan Siciid iyo Murashax Maxamuud Xuseen Cadaani oo u taagan doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada Iyo Deegaanka.
Xafladdan oo hadda ka socota Guuleed Hotel ayaa waxaa buux-dhaafiyay hoolka Kumanaan Taageerayaal ah.
Sido kale waxaa socda khudbadaha masuuliyiinta iyo madax dhaqameed.