
Burco(Ucid-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid , ayaa maanta magaalada Burco kaga qeyb-galay, xafladda shaacinta Murashax Eng Saleebaan Axmed Carab oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer iyo Murashax Dr: Mukhtar Abdi Maxamud oo u taagan Golaha Deegaanka Burco.