
Hargeysa(UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu magalada Hargaysa casho sharaf ugu sameeyay ardaydii ugu sarraysay Jaamacadda Rift Valley.
Waxaana kasoo qeyb-galay, Masuuliyiinta xisbiga, maamulka iyo ardaydii dhamaystay jaamacada ee la maamuusay.
Maamulka iyo ardayda ayaa Guddoomiyaha u mahad-naqay, waxaanay sheegeen in Gudoomiye Faysal yahay masuulka qudha ee ka war-haya Ardayda isla markaana garab istaaga.
Guddoomiyaha oo gabogabadii halkaas ka hadlay, ayaa ujeeddada casuumadan ku tilmaamay dhiirigalin iyo in ardayda loo muujiyo in la tirsanayo oo loo han-wayn-yahay.