
Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqa Gobonimo ee magaalada Hargaysa.
Guddoomiyaha ayaa bulshada ku ganacsada suuqaas la qeyb-saday dareenkooda, isla markaana dhagaystay cabashadooda, waxaanu u ballan-qaaday in uu fariintooda gaadhsiin-doono maamulka Dawladda Hoose ee Hargaysa.
Waxaa guddoomiyaha booqashadan ku wehelinayay Xoghayaha xidhiidhka golayaasha ee xisbiga UCID Yaasiin Cabdilahi Xaashi.