
Ceelafweyn (UCID-Media Group) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Waftigii uu hogaaminayay, ayaa kormeer ku soo sameeyay Goobaha ay dib uga furantay Diinwaangalinta Cod-bixiyayaashu ee Degmada Ceel-af-wayn Iyo Deegaannada hoos taga.
Waxaana Gudoomiyaha iyo masuuliyiintii wehelinaysayba ay Bulshada ku dhaqan Deegaandaas ku baraarujinayeen qaadashada kaadhka Cod-bixinta oo muhiim u ah mustaqbalkooda.


