Hargeysa (UCID-Media Group) Waxaa Maanta magalada Hargaysa ka dhacday Munaasibad lagu shaacinayo Murashaxnimada Marwo Waris Dhoobaale oo ka sharraxan Gobolka Maroodijeex .
Munaasibaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Xisbiga Ucid oo hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Ibraahim Salaf, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Quick, Haween, Odayaal , Dhalinyaro iyo Taageerayaasha Murashax Waris Dhoobaale .
Waxaana halkaasi hadallo ka jeediyay xubno ku hadlayay Garabbada Haweenka iyo Dhalinyarada, waxaanay Dhmaantood tilmaameen kaalintii ay Murashax Waris kaga jirtay Horumarinta Bulshada, iyagoo sheegay in marka ay guuleesato Murashax Waris ay ka filayaan wax qabad ka mug wayn kii hore looga bartay .
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Ucid Cabdi Dool Waxaanu sheegay In ay Bogaadinayaan Murashax Waris .
Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Ucid C/qani Ibraahim Salaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga Ucid Sharaf u tahay in Haweenaydii ugu horeesay ee ku dhiiratay Doorashada Golaha Wakiilada ay iska soo sharaxdo, isagoo u rajeeyay Guul .
Murashax Marwo Waris Dhoobaale oo halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay sida Doorka Haweenku uga maqanyahay Dalka, iyadoo sheegtay in ay u badheedhay tartanka Golaha Wakiilada isla markaana ay filayso Guul maadaama Bay tidhi ay garbahayga taaganyihiin Haween waynaha Reer Somaliland, waxaanay ugu baaqday Haweenka Reer Somaliland in ay is muujiyaan oo ay u codeeyaan .
“ Waxaan u Baahanay Codkiina, Caqligiina, waxaanan ku rajo waynahay in ay guuleesan doono ..” ayay Tidhi Murashax Waris Dhoobaale .
Ugu danbeentii waxaa soo gunaanaday Munaasibaddaasi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, isago ugu horeentiiba bogaadiyay Murashax Waris isla markaana sheegay in uu Codkiisa Siin doono Murashax Waris Dhoobaale .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiga Ucid yahay Xisbigi ugu horeeyay ee xaqooda siiyaa Haweenka, isagoo allena uga baryay Murashaxadda in ay ku guuleesato .
Gudoomiyaha ayaa haweenka uga digay Qabyaaladda, waxaanu ku booriyay in horumarka Dalka ka qeyb qaataan oo ay garab istagaan Murashax Waris Dhoobaale .
Si kastaba ha ahaate Munaasibaddan ayaa ku soo dhamaatay jawi Degen oo farxadi ku dheehantahy .