Gudoomiyaha XIsbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa habeenkii xalay ahaa u hoyday Gudaha Magaalada Laascaanood .
Waxaanay noqonaysaa Markii labaad ee Gudoomiyuhu u hoydo, iyadoo uu safarkii uu hogaaminayay ee la baxay Socdaalkii Nabadda iyo Mideenta Somaliland uu sidan oo kale ugu hoyday Laascaanood .
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waa Markii Shanaad ee uu Safar ku yimaaddo Laascaanood sidoo kalena waa Markii labaad ee uu u hoydo Magaalada Laascaanood, Halka madaxda kale ee Somaliland aanay u hoyan Gudaha Magaalada Laascaanood .