
Hargeysa (UCID-Media Group) Munaasibaddii Shaacinta Murashax Deeq Jaamac Caabi ee Maanta Ka dhacday Hargaysa.
Waxaa ka qeyb-galay Masuuliyiinta Sare ee Xisbiga Ucid oo uu hormuud u ahaa, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Waxgarad, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Haween Iyo taageerayaal tiro-badan.
Murashax Deeq Jaamac Caabi ayaa ah Murashax la isku raacay oo ay u tanaasuleen shan murashax oo kale oo ay isku deegaan yihiin.
Munaasibaddan ayaa kusoo dhamaatay Jawwi Degen oo farxadeed.
