
Hargeysa(UCID-Media Group)Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kamid ah Hogaanka Xisbiga iyo Xoghayayaasha Xisbiga ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflad balaadhan oo lagu shaacinayay looguna wanqalayay Murashaxiinta kala ah Maxamed Jaamac Koodbuur(shiine) oo u taagan doorashada golaha wakiilada ee Gobolka Maroodijeex iyo Murashax Xuseen Askar oo u taagan doorashada golaha deegaanka Hargaysa.
