Berbera ( UCID-Media Group) Xisbiga UCID ayaa maanta Gudoomay Laba Murashax oo ka sharraxan Gobolka Saaxil.
Munaasibad qado ah oo maanta ka dhacday Magaalada Berbera, ayaa odayaasha iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda mid kamid Beelaha Dega Berbera ay maanta Xisbiga UCID ku wareejiyeen labadaas Murashax.
Waxaana gudoomay Hogaanka sare ee Xisbiga UCID Oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Labadan Murashax ayaa kala ah, Murashax Maxamed Maxamuud Maxamed oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Iyo Murashax Cali Jaamac Caraale (Cali Qaran) oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Saaxil.
Xisbiga UCID ayaa hantay haldoor-ka Murashaxiinta Gobolka Saaxil, iyadoo todobaadadan-ba ay socdeen Munaasabado lagu shaacinayo Murashaxiinta xulka ah ee Gobolka Saaxil.