
Shirwaynihii Xisbiga UCID oo dib loo dhigay loona muddeeeyey 20 ka ilaa 21 ka December.
Hargeysa(UCID-Media Group)
Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada Shir-waynaha Xisbiga UCID, Abshir Axmed Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha guddida, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta guud ee Xisbiga UCID.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Shir-waynihii Xisbiga Dib loo dhigay.
Shir-wahnaha Xisbiga oo muddaysnaa in uu qabsoomo, 29-ka ilaa 30-ka Bishan November, ayaa dib loogu dhigay 20-ka Ilaa 21-ka Bisha December.