
Boorama(UCID-Media Group) Xafladda Dabaal-degga Sannad guurada 20-aad ee Asaaska Xisbiga UCID, oo ka qabsoontay maanta Saw Hotel ee Borama.
Waxaana munaasibaddan, kasoo qeyb-galay, Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Xog-hayayaal, Xildhibaannadii kasoo baxay Xisbiga UCID, Hogaanka iyo xubnaha Garabbada Haweenka iyo dhalinyarada Ee Xisbiga, madaxda Xisbiga ee gobolada,Madax dhaqameed, waxgarad, marti-shataf iyo taageerayaasha Xisbiga UCID.
