XISBIGA  UCID

Xeerka Xisbiga UCID

bismillah

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid_1

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

XEERKA XISBIGA CADAALADDA IYO DARYEELKA (UCID)
1. Xeerkii Xisbiga oo ka koobnaa 19 qodob waxa la ansixiyey Shirwaynihii aasaaska Xisbiga oo ka dhacay18/8/2001-20/8/2001 magaaladda Hargeysa

2. Kaabistii iyo wax-ka-bedelkii koowaad oo ka koobnaa 23n qodob waxa lagu ansixiyey Shirwaynihii labaad ee Xisbiga 27/7/2006

3. Kaabistii iyo wax-ka-bedelkii labaad waxa lagu sameeyey Shirwaynihii 3aad ee Xisbiga oo ka dhacay magaalada Hargeysa 4-5/January/2012. Qodobadda Xeerku waxa uu ka kooban yahay 40 qodob.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid_1

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

XEERKA XISBIGA CADDAALADDA IYO DARYEELKA (UCID)

Xeerka Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxa la sameeyey shirwaynihii koowaad ee aasaaska Xisbiga UCID, iyada oo markii u horaysay lagu ansixiyey shirwaynihii aasaaska xisbiga oo lagu qabtay caasimadda Jamhuuriyaadda Somalialnd ee Hargeysa 18/8/2001 – 20/8/2001.

Waxa mar labaad lagu sameeyey Xeerka kaabis iyo wax ka bedel shirwaynihii labaad ee Xisbiga oo ka dhacay Hargeysa oo lagu ansixiyey Xeerka Xisbiga 27/7/2006-30/7/2006.
Shirwaynaha Sadexaad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku ee ka dhacay magaaladda Hargeysa 4/January/2012 ilaa 5/January/2012
Markuu arkay: baahida wayn oo loo qabo kaabidda iyo wax ka bedelka Xeerka Xisbiga
Markuu dersay: wax ka bedelka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranke Xeer Lr. 14/2011
Waxa uu halkan ku ansixiyey Xeerka Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka:

  • Qaybta koowad
  • §Qoddobka 1aad

Magaca Xisbiga
Magaca xisbigu waa xisbiga CADDAALADA IYO DARYEELKA oo loo soo gaabiyo UCID. Xaruntiisuna waa Hargaysa. Xisbigu waxa uu laamo ku leeyahay dhamaan Gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka iyo sidoo kale dalka dibadiisa.

  • §Qoddobka 2aad
  • Calanka xisbiga

Calanka xisbiga midabkiisu waa doog oo uu ku qoran yahay magaca xisbiga oo loo soo gaabiyo UCID.

  • §Qoddobka 3aad

Astaanta xisbiga
Astaanta xisbigu waa midab dooga oo dusha sare kaga qoran tahay Laa Ilaaha ila Laah o oaf-carabi ah, oo ay ku dhexyaaliin miisaan laba kafadood ah iyo Wan cad oo madax madow waxaana ku qoran magaca xisbiga oo af-soomaaali ah

  • §Qoddobka 4aad

Xubinimada xisbiga
Xubinimada xisbigu waa shaqsi umana gudbi karto cidkale lamana kala dhaxli karo Waxaanay u furantahay qofkasta oo soomaalilander ah oo buuxiya shuruudaha ku qoran qodobka shanaad ayaa xubin ka noqon kara.

  • §Qoddobka 5aad

Shuruudaha xubinimada
Qof kasta oo soomaalilander ah oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran wuxuu ka mid noqon karaa xisbigan:
1- Inuu ahaado soomalilander isla markaana aaminsan jiritaanka Somaliland.
2- Inaan da’diisu ka yarayn 18 sano.
3. Inuu caqli ahaan fayowyahay oo uu awood buuxda u leeyahay gudashada xilkiisa xubinimo.
3- Inuu ogol yahay xeerarka iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga.
4- Inuu yahay qof ku sifooba akhlaaq wanaag iyo dhaqan asluub leh islamarkaana xubnaha kale ee xisbiga iyo dadka kaleba la yeelan kara xidhiid fiican.
5- Inaan maxakamidi hore ugu xukumin danbiyada lidka ku ah qaranimada Somaliland iyo qofka ay ku caddaato inuu gaystay dil badheedh ah.
6- Inuu bixiyaa qaadhaanka xisbiga oo bilkasta ah xadiga kolba ay goaamiyaan gudida fulinta xisbiga
7- Inaanu xubin ka ahayn xisbi/urur siyaasadeed kale.
8- Inuu xubinimada usoo qortaa arji laanta xisbiga ee ugu dhow.

  • §Qoddobka 6aad

Xuquuqda xubnaha
Xubin kasta oo ka mid ah xisbiga wuxuu xeerkani si buuxda ugu damaanad qaadayaa inu helo xuquuqdan hoos ku qoran:
1- In xubin kasta oo ka tirsan xisbigu xaq u leedahay in la dooran karo waxna dooran karo, iyadoo la raacayo xeerka xisbiga loona magacaabi karo xilal xisbiga gudihiisa.
2- Inuu ka qayb qaadan karo hawlaha xisbiga iyo doodaha lagaga hadlayo arimaha xisbiga, waxaanu soo jeedin karaa talooyin khuseeya hawlaha iyo waxqabdka xisbiga.
3- Inuu si xor ah usoo ban dhigi karo afkaartiisa soona jeedin karo talooyin ama dhaliilo la xidhiidha hawlaha xisbiga.
4- Inuu si xor ah uga bixi karo xisbiga isaga oo sheegaya sababta uu uga baxay xisbiga hase yeeshee wax lacag ah looma celinayo.
5- Xubin waliba waa inay heshaa aqoonsi xubinimo.
6- Xubinta doonaysa in ay iska casisho xilka xisbiga
a) Waa in xubintu usoo gudbisaa arji is casilaad ah laantu ka tirsanaa .
b) Waa in xisbigu ka aqbalaa ama ka diidaa 14 maalmood gudahood is casilaada xubinta
7- Xubinta udiwaangashan xisbigu kama wada tirsanaankarto laba xisbi ama urur siyaasadeed isla markaliyaata .

  • §Qoddobka 7aad

Waajibaadka Xubnaha
Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xisbiga waxa ku waajib ah:
1- Inuu u hogaansamo xeerka iyo go’aamada ka soo baxa masuuliyiinta xisbiga heerkastaba ha ahaadee.
2- Inuu barnaamijka siyaasadeed iyo hawlaha xisbiga u fuliso si daacadnimo ah.
3- Inuu ka qayb qaato hirgalinta barnaamijka xisbiga, adeega, horumarinta bulshadiisa iyo abaabulka ummadiisa.
4- Inuu ilaaliyo sirta, hantida iyo sumcada xisbiga.
5- Inuu ummadiisa ku abuuro ama ku abaabulo dareen wadaninimo.
6- Inuu xog ogaal u noqdo xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadanka.
7- Inuu ka hortago wixii iska horimaad bulsho abuuraya sida kala sooc iyo qaraabo kiil.
8- Inuu soo bandhigo wixii tabosha ah xisbiga gudihiisa laakiin ayna banaanayn inuu banaanka usaaro.

  • §Qoddobka 8aad

Waayida xubinimada
Xubinimad xisbiga waxaa lagu waayi karaa arimahan soo socda:
1- Hadii qofku iskii iskaga casilo xubinimada xisbiga sida ku xusan qodobka 6aad ee xisbiga.
2- Hadii geeriyi ku timaado iyadoo aanay dhaxaltooyo noqonayn xubinnimadu.
3- Hadii lacadeeyo inuu ka horyimi xeerka iyo barnaamijka xisbiga, go’aamada gudiyada xisbiga heer kastaba. Go’aankaas lagu eryaayo waxaa soo jeedinaya gudiyada laamaha, iyaga oo soo raacinaya warbixin arrintiisa la xidhiidha,iyagoo usoo gudbinaaya gudida anshaxa .
4- Hadii qofku xilkiisa gudanwaayo caafimaad ahaan .
5- Xubnaha loo doorto golayaasha sharciga ah lagama saari karo xisbiga iyaguna kuma biiri karaan xisbi kale inta ka horaysa doorashada soo socota iyadoo la raacayo xeerka Gudida Diiwaangalinta iyo Ansixinta axsaabta.
6- Xubintu waxa kale oo ay ku waaayikartaa xubinimada xisbiga markay samaysato urur siyaasadeed kale
7- Ay ka qaybqaadato samaysashada urur siyaasadeed kale
8- Ay si toos ah ugu ololayso urur/xisbi kale.

  • Qaybta 2aad

Qaab dhismeedka Xisbiga

  • §Qoddobka 9aad

Dhismaha xisbiga
Qaab dhismeeeka xisbigu wuxuu ka koobanyahay
1- Shirwaynaha xisbiga
2- Golaha Dhexe.
3- Gudida Fulinta.
4- Gudida Gobolada.
5- Gudida degmooyinka, Gudiga tuulooyinka/xaafada iyo laama dibadda.

  • §Qoddobka 10aad

Shirweynaha Xisbiga
1- Shirwaynaha xisbigu waa hayada ugu saraysa xisbiga sharci ahaan xaga awooda, waxaana shirwaynuhu ka kooban yahay:
a. Ergooyinka ka socda gobollada, degmooyinka iyo laamaha dibadda.
b. dhamaan Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
c. Xubnaha kaga jira golayaasha qaranka .
d. Tirada ergooyinka shirwaynuhu waxa tiradooda go’aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta.

  • §Qoddobka 11aad

Shirweynaha Caadiga ah ee Xisbiga .

1) Shirwaynaha xisbiga waxaa la qabanayaa shantii sanaba mar shirkiisa caadiga ah oo laga soo bilaabo maalintii uu xidhmay shirwaynihii u danbeeyay, waxaana soo jeedinaya maalinta laqabanayo iyo goobta lagu qabanayo gudidada fulinta, isla markaana wuxuu ku ansaxayaa cod haldheeriya oo golaha dhexe ah sadexbilood ka hor inta aanay dhamaan mudada shanta sano. Waxaana lixdan maalmood ka hor maalinta loo cayimay baahinaya gudida fulinta.
2) Ergooyinka kasooqaybgalaaya waxa cayimaadooda soo jeedinaaya gudida fulinta. waa in soo jeedinta cayimaada ay ansixiyaan golaha dhexe kalfadhiga rasmiga ah ama kalfadhi aan caadi ahayn .
3) Ergooyinka waxa soo xulaaya gudiyada heer gobol iyo degmo.
4) Haddii shirwaynuhu ku qabsoomi waayo mudadaas loo cayimay gudida fulintu laba bilood ka hor waxay soo jeedinaysaa in dib loo dhigo mudo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabmaysa maalintii loo cayimay ee uu qabsoomi waayay shirweynhuhu. waxaana ansixinaaya golaha dhexe oo ku ansixinaaya cod 2/3 . gudida fulinta waxa aay ku baahinay mudo shan iyo afartan maalmood ka hor maalinta loo cayomay qabashada shirwaynaha
5) Gudida qabanqaabada waxa magacaabaya Gudoomiyaha xisbiga markaa uu la tashada hogaanka sare ee Xisbiga

  • §Qoddobak 12aad

Shirweynaha Aan Caadiga Ahayn

1. Hadii ay timaado sabab lagama maarmaan ka dhigta in la qabto shir aan caadi ahayn, waxaa soo jeedin kara:
a) Gudida fulinta oo ugudbinaysa golaha dhexe oo ku ansixinaaya 2/3 tirada xubnaha golaha dhexe ee kalfadhiga joogta .
b) 1/3 xubnaha golaha dhexe oo u gudbinayaa Golaha dhexe oo ku ansixinayaa 2/3
2. Golaha dhexe waxaa uu cayimayaa mudada la qabanayo shirwaynaha iyo goobta lagu qabanaayo islamaarkaana gudidada fulinta ayaa ku baahinaysa mudo labaatan maalmood gudahood ah
3. Ergada Shirwaynaha aan caadiga ahayni waa ergadii shirwaynuhii u danbeeyey ka qayb gashay

  • §Qoddobka 13aad

Habka Maamulka Shirwaynaha
1) Shirweynaha xisbigu waxa uu socon karaa ugu yaraan laba cisho ugu badnaana shan cisho .
2) Maalinta koobaad waxa shir gudoonka noqonaaya hogaanka sare ee xisbiga ee lagu doortay shirweynihii kaa ka horeeyey. waa in ay kasoo jeediyaan warbixino,wixii uqabsoomay xisbiga inta ay xilka hayeen
3) Maalinta 2aad ee shirweynaha shirweynuhu waa inuu iska dhex doortaa shirgudoon ku meelgaadh ah oo hagidoono shirweynaha oo ka kooban gudomiye ku-xigeen , iyo xoghayahe
4) Shirgudoonka shirweynaha waxa soo jeedinaaya hogaanka saree ee xisbiga waxaan cod 2/3 ku ansixinaaya xubnaha shirweynaha .
5) shirweynuha ayaa doorandoonaa hagaanka sare ee xisbiga ansixindoonana:
a) xeerka xisbiga
b) barnamijka xisbiga
c) xubnaha golaha dhexe
d) qaab xisabeedka xisbiga .

  • §Qoddobka 14aad

Awooda iyo Waajibaadka Shirwaynaha
1. Shirwaynuhu waxaa uu dooranayaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeenka koowaad, ka labaad,ka sadexaad,Xoghayaha guud iyo kuxigeenka xoghayaha guud shantii sanaba mar.
2. Waxaa kale oo uu dooranayaa xubnaha golaha dhexe ee banaanaada ama cusub ama wuxuu u wakiilanayaa cidda awood uu u siiyo.
3. Shirwaynuhu wuxuu ansixinayaa xeerka iyo barnaamijka hogaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo go,aamada ay usoo gudbiyaan golaha dhexe iyo gudiyada fulinta isaga oo habaynaya siyaasada guud ee xisbiga.
4. Waxaa uu ka doodayaa warbixinaha loo soo gudbiyo iyo ajandayaasha loo soo diyaariyo isaga oo eegaya xaalada lagu horumarinayo hawlaha xisbiga, islamarkaana qiimaynaya warbixinaha loo soo gudbiyo, Waxaana uu go’aan ka soo saarayaa arimahaasi laga dooday.
5. Waxaa kale oo uu qiimaynayaa howlqabadkii gudida fulinta mudadii ay xilka haysay, wixii u qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, sababta ay u qabsoomi wayday iyo sida loo xallinayo.

  • §Qoddobka15aad

Golaha Dhexe
1. Golaha Dhexe ee xisbigu waxa uu ka kooban yahay 161(Boqol iyo kow iyo Lixdan) xubnood oolagu ansaxiyey Shirweynihii Iyo 20(Laabatan Xubnood Oo kayed aha)  Oo Shir weynuhu Awood U siiyey Guddoomiyaha Inuu Soo Magacaabo.

Waana hay’adda ugu sarraysa xisbiga inta u dhaxaysa labada shirwayne.
2. Liiska xubnaha golaha dhexe ee lagu doortay shirweyne waa in liiskooda oo dhamystiran lageeyaa xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka, xafiiska komishanka doorashooyinka qaranka ,gudida diwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka mudo aan kabadnayn 30 maalmood maalinta shirweynuhu dhamaado .
3. Xubinta golaha dhexe ee ay ku timaado xaaladaha ku xusan qodobka 8aad ee xeerkan waxa loo buuxinayaa habka saamiga goboleedka gudida heer gobol ee uu ka tirsanaa ayaa kusoo buuxinaaya mudo aan ka badnayn 45maalmood iyagoo usoo gudbinaaya xoghayaha golaha dhexe ama ku-xigeenkiisa.
4. Xubinta cusub waxa ansixinaaya gudida fulinta ee xisbiga waa inuu xoghayaha golaha dhexe qoraal rasmi ah ugu gudbiyaa xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Xafiiska Gudida Doorashooyinka Qaranka
5. Shuruudaha xubinta golaha dhexe waa
a. Inuu/inay buuxiso shuruudaha ku xusan qodobka 5aad ee xeerka xisbiga
b. Kazoo jeedo saamiga heer gobo lama laan dibada ah
c. Bixiyaa qaadhaanka ku waajibay xubinta golaha dhexe bilkasta
d. Aqoon ahaan waa inuu yahay heer ilaa dugsi sare

  • §Qoddobka 16aad

Hawlaha Golaha Dhexe
Hawlaha Golaha dhexe ee xisbigu waxay noqonayaan:
1- Waxay iska dhex dooranayaan xubnaha gudida fulinta marka laga reebo gudoomiyaha sadexda gudoomiya kuxigeen, xoghayaha guud iyo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga.
2- Waxa kale oo ay iska dhex dooranayaan saddex xubnood oo ah gudi hanti-dhawr oo u madax bannaan hawlahooda, islamarkaana toos ugu soo gudbin kara warbixintooda golaha dhexe.
3- Waxay ansixinayaan miisaaniyada xisbiga, waxaanay toosinayaan nidaamka maamulka, hogaaminta siyaasada xisbiga iyo barnaamijyada siyaasada xisbiga lagu hogaaminayo.
4- Waxay dhagaysanayaan warbixinaha ay usoo gudbiyaan gudida fulintu waxayna qiimaynayaan waxqabadka gudida iyo horumarka hawlaha xisbiga iyagoo ka doodaya arimahaasi isla markaana go,aan ka soo saaraya.
5- Golaha dhexe waxa uu ku hagaajinayaa xisbiga istiraatijiyada siyaasada ee ku salaysan wada tashiga iyo dimuqraadiyada iyadoo taladu ka imanayso xaga hoose una gudbaysa xaga sare.
6- Golaha dhexe ee xisbigu waxa uu diyaarinayaa barnaamijka siyaasada ee xisbigu kaga qayb galayo arimaha la xidhiidha nabadgalyada iyo horumarinta bulshada.
7- Golaha dhexe waxa uu hubinayaa fulitaanka go’aamada hore loo ansixiyay iyo habka uu u fulay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu, waxaana uu tilmaamayaa habka ugu wanaagsan ee looga faa,iidaysanayo fursadaha soo mara xisbiga, islamarkaana waxa uu xallinayaa wixii khilaaf ah ee ku yimaada mas’uuliyiinta sare ee xisbiga.
8- Golaha dhexe waxa uu kormeeri kara hawlaha xisbiga waxaana uu dajin karaa nidaam casriya oo lagu maamulo hantida xisbiga, laguna hoggaamiyo hawlaha isla markaana waxa uu ka joojin karaa hawlaha cid-kasta oo ay ku caddaato inuu wax u dhimayo hawlaha xisbiga ama aanu si daacada u wadin hawlaha xisbiga.
9- Golaha dhexe waxa uu ansixinayaa heshiisyada dhexmara xisbiga iyo xisbi kale oo ku saabsan iskaashiyo wax-wada qabsi oo la xidhiidha arimaha siyaasada ee ay u soo gudbiyaan gudida fulintu iyaga oo ku ansixinaaya cod 2/3 ah.
10- Waxa ay u codaynayaan cidda noqonaysa musharraxa madaxwaynaha iyo m.xigeenka.
11- Waxay iska dhex dooranayaan xoghayaha golaha dhexe iyo guddi-hoosaadyo. Guddi-hoosaad kastaana waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye, g.xigeen iyo xoghaye.
12- Haddii ay xubin golaha dhexe ah ay ku timaado geeriyi ama uu ku waayo xubinimada sida ku xusan qodobka 8aad, waxaa soo magacaabaya xubinta lagu bedelayo laanta uu ka tirsanaa xubintaasi meesha ka baxday ka dibna waxaa ogolaanaya guddida fulinta waxaana ansixinaya kalfadhiga ugu horreeya ee golaha dhexe.

  • §Qoddobka 17aad

Fadhiyada Golaha Dhexe
1. Fadhiga golaha dhexe ee caadiga ah waxaa la qabanayaa sanadkiiba mar, laga bilaabo maalintii uu xidhmay fadhigii ugu danbeeyay. Waxa cayimaya maalinta laqabanayo fadhiga golaha dhexe xoghayaha golaha dhexe. Waa in xoghayaha Golaha Ghexe ku baahiyaa muddo aan ka badnayn 10 maalmood, haddii uu maqan yahayna waxaa muddadaa ku baahinaya ku-xigeenka Xoghaya Golaha Dhexe ..
a. Hadii ay timaado duruuf ka dhigta lagama maarmaan in laqabto fadhi aan caadi ahayn waxaa soo jeedinaaya gudida fulinta oo ku ogolaanaya cod haldheeriya ama 1/3 Golaha dhexe. Waxaana fadhigaa lagu qabanayaa mudo aan ka badnayn labaatan maalmood.
b. Golaha Dhexe waxa uu yeelan karaa fadhiyo aan caadi ahayn ugu badnaan 4 jeer sanadkiiba .
c. Fadhiyada aan caadiga ahyn waxa ay ku qabsoomi karaan kala badh iyo hal xubnaha golaha dhexe
d. Fadhiyada golaha dhexe waxa ajandahooda soo diyaarinaaya xoghayaha golaha dhexe markuu la tashado hogaanka sare ee xisbiga .

  • §Qoddobka 18aad

Gudida Fulinta.
1. Gudida fulintu waa hay’ada ugu saraysa socodsiinta hawlaha xisbiga, waxaana ay ka kooban tahay 27 xubnood oo sida ku xusan farqadda labaad ee qodobkan laga soo dhex xulay Golaha dhexe iyo 6 xubnood ee Hogaanka sare ee xisbiga ah ee shriwaynaha lagu doortay. Mudada xilka ee Gudida fulintu waa shan sanadood oo ka bilaabmay maalinta shirwaynahu qabsoomay
2. Gudoomiyaha Xisbigu marka uu la tashado hoganka xisbiga waxa uu ka soo dhex xulayaa Golaha Dhexe xubnaha Gudida Fulinta noqonaya isaga oo hordhigaya kal-faldhiga koowaad ee Golaha Dhexe oo ku ansixinay cod hal dheeri ah.

  • §Qoddobka 19aad

Waajibaadka Gudida fulinta
1. Gudida fulintu waxay ka masuul tahay hirgalinta iyo hagaajinta barnaamijka siyaasadeed iyo hirgalinta xeerka xisbiga.
2. Fulinta go’aamada lagu ansixiyay shirwaynaha iyo fadhiyada g.dhexe iyo socodsiinta hawlaha xisbiga.
3. Diyaarinta miisaaniyada xisbiga, ajandayaasha la hordhigayo fadhiyada g.dhexe iyo warbixinaha la xidhiidha wax qabadka g.fulinta ee dhabta ah.
4. G.fulintu waxay ansixinayaan xilalka guddiyada gobollada, degmooyinka, laamaha, xoghayayaasha guddiyada fulinta iyo hawlwadeenada iyagoo la tashanaya taageerayaasha xisbiga ee deegaankaas.
5. Guddida fulintu waxay u xil saran tahay abaabulka iyo wacyi galinta dadweynaha iyo hirgalinta hadafka siyaasadeed ee xisbiga oo ah ismaamulka iyo talo wadaaga.
6. G.fulintu waxay iska xilsaarayaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada iyada oo lala kaashanayo kaalmo dibadeed iyo hayadaha samafalka, iyaga oo dhawraya danaha guud, islamarkaana haya’dahaas u fududaynaya helitaanka khubaro waddani ah ama caalami ah.
7. Xubnaha g.fulinta waxaa waajib ku ah inay u gutaan si daacadnimo iyo isxilqaan ah hawsha loo xilsaaray, isla markaana dhawraan wada shaqaynta iyo xidhiidhka xubnaha kale iyo bulshadaba.
8. Fadhiyada caadiga ah ee g.fulintu waxay noqonayaan bishiiba mar waxaana shir gudoonka noqonaaya gudoomiyaha xisbiga hadii uu maqanyahayna gudoomiye ku xigeenka koowaad, hadii uu maqanyahayna g.xigeenka labaad hadii uu maqan yahayna ka sadexaad hadii wax degdeg ahi ay yimaadaan waxaa isugu yeedhaya g.fulinta gudoomiyaha ama in kabadan kala badh xubnaha g.fulinta toban cisho gudahood.
9. Waxay ansixinayaan oo go’aaminayaan xubnaha xisbiga ka galaya golayaasha qaranka iyagoo la tashanaaya xaruma gobolada, degmooyinka iyo laamaha.
10. Gudida Fulintu waxa uu yeelanayaa gudi joogta ah oo ka kooban 10 xubnood oo a kooban 6 da hogaanka sare ee xisbiga iyo 4 xubnood oo kale oo aay Gudida iska dhex xusho

  • §Qoddobka 20aad

Xilalka xubnaha Gudida Fulinta
Xilalka GudidaFulintu waa:
1. Gudoomiyaha gudida fulinta ahna gudoomiyaha xisbiga
2. Sadexda gudoomiya xigeen (g/xigeenka koowaad, ka labaad iyo ka sadexaad)
3. Xoghayaha guud.
4. Kuxigeenka xoghayaha guud.
5. Xoghayaha arimaha gudaha, xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka.
6. Xoghayaha arrimaha debada.
7. Xoghayaha waxbarashada iyo barbaarinta.
8. Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafada.
9. Xoghayaha maaliyada.
10. Xoghayaha ganacsiga iyo warshadaynta.
11. Xoghayaha daryeelka arrimaha bulshada iyo xuquuqda Aadmiga.
12. Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta.
13. Xoghayaha siyaasada iyo hirgalinta barnaamijyada.
14. Xoghayaha beeraha
15. Xoghayaha xidhiidhka ururada bulshada kuwa samafalka iyo kuwa dawliga ah
16. Xoghayaha maamulka iyo qorshaynta.
17. Xoghayaha amniga
18. Xoghayaha difaaca .
19. Xoghayaha cadaalada iyo arimaha shuruucda
20. Xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha
21. Xoghayaha arrimaha diinta iyo awqaafta
22. Xoghayaha caafimaadka iyo shaqada
23. Xoghayah G/dhexe.

  • §Qoddobka 18aad

Guddoomiyaha Xisbiga
1. Gudoomiyaha Xisbiga waxa dooranaya Shirwaynha Xisbiga
2. Guddoomiyuhu waa madaxa xisbiga, waxaanu guddoominayaa shirwaynaha iyo fadhiyada g.dhexe waana guddoomiyaha g.fulinta mudada uu xilka hayaana waa shan sano

  • §Qoddobka 21aad

Shuruudaha Guddoomiyaha Xisbiga
1. Qof kasta oo u tartamaya Gudoomiyinimada xisbiga waa in uu buuxiyaa shuruudahan:
a. In uu yahay xubin xisbiga ka tirsan islamarkaana buuxiya shuruudaha xubinimo
b. In aan da’diisu ka yarayn 30 sano
c. In aqoontiisu gaadhsiisan tahay digrii jamacadeed
d. in uu Xisbiga ka tirsanadaa ugu yaraan labo sano

2. qofna looma dooran karo Gudoomiyinimada Xisbiga wax ka badan laba jeer

  • §Qoddobka 22aad

Waajibaadka Guddoomiyaha

1. Guddoomiyuhu waxa uu socodsiiyaa hawl maalmeedka xisbiga islamarkaana wuxuu saxeexaa qoraalada rasmiga ah.
2. Gudoomiyuhu waxa uu ka soo jeediyaa shirwaynaha iyo fadhiyada g.dhexe warbixino, tala bixino ku saabsan siyaasada iyo qorshaha hawlaha xisbiga.
3. Guddoomiyuhu waxa uu xisbiga ku hagaa xeerka iyo barnaamijka siyaasada ee loo jaan gooyay.
4. Guddoomiyuhu waxa uu ku hadli karaa magaca xisbiga kagana qayb gali karaa shirarka gudaha iyo dibada isga oo aan ku xadgudbayn xeerka iyo barnaamijka xisbiga
5. Gudoomiyuhu waxa uu magaca xisbiga ku saxeexi karaa heshiisysada dhexmara xisbiga iyo xisbiyada kale ka dib markay g.fulintu ku ogolaato cod haldheeriya dabadeed waxaa la hor keenayaa fadhiga ugu horeeya ee g.dhexe.
6. Guddoomiyuhu waxa uu magacaabayaa gudida qabanqaabada shirweynaha waxaana ogolaanaya g.fulinta.

  • §Qoddobka 23aad

Banaananta Jagada Guddoomiyinimada
1. Jagada Gudoomiyuhu waxa aay ku banana kartaa:

a. Hadii ay guddoomiyaaha ku timaado geeriyi
b. Hadii aay burto mid ka mid ah shuruudihii lag soo doortay iyada oo aay ka go’aan gaadhayaan 2/3 xubnaha Golaha dhexe
c. Hadii uu iscasilo Golaha dhexena ka aqbalo 2/3
d. Hadii xilka looga qaado si Xeerkan waafaqsan

  • §Qoddobka 24aad

Guddoomiye Ku-xigeenada Xisbiga
1. Xisbigu waxa uu yeelanayaa 3 dex Gudoomiye ku xigeen oo kala ah Gudomiye-xigeenka koowaad, ka labaad iyo ka sadexaad. Gudoomiye-xigeenada Xisbiga waxa dooranaya shirwaynaha Xisbiga.
2. Shuruudaha Gudoomiye-ku-xigeenka waxa aay la mid yihiin kuwa Gudoomiyaha
3. Sadexda gudoomiya xigeen waxay qabanayaan hawlkasta oo uu u igmado gudoomiyuhu waxaanay ka caawinayaan socodsiinta hawlaha xisbiga.
4. Marka uu maqan yahay gudoomiyuhu waxa uu hawshiisa u sii igmanayaa gudoomiye ku xigeenka koowaad siina fulinaaya hawlihii looga baahnaa oo dhan, hadii isagu uu maqanyahay waxaa hawsha sii qabanaya g.xigeenka labaad hadii uu maqan yahayna ka sadexaad.

  • §Qoddobka 25aad

Xoghayaha Guud iyo Ku-igeenkiisa
1. Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo ku xigeenkiisa waxaa dooranayaa Shirwaynaha Xisbiga
2. Xoghayaha guud waxa uu masuul ka yahay socodsiinta maamulka xisbiga guud ahaan
3. Waxa uu diyaarinayaa qoraalada warbixinada miisaaniyada ajandayaasha lagaga doodayo fadhiyada G/fulinta, G/dhexe iyo shirwaynaha.
4. Xoghayaha guud waxa uu masuul ka yahay daba-galka fulinta go’aamada la ansixiyay iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasada, isaga oo la kaashanaya xoghayaha ka muusalka ah hawshaas.
5. Xoghayaha guud waxa uu maamulayaa shaqaalaha xisaabaadka isla markaana waxa uu habaynayaa oo uu kaydinayaa dhukumentiga xisbiga, waxaana uu diiwaan-gelinayaa oo uu ilaalinayaa hantida xisbiga.
6. Xoghayaha guud waxa uu madax u yahay xoghayayaasha kale ee g.fulinta waxaana uu ku kormeerayaa habsami u socodka hawlaha ay ka masuulka yihiin.
7. Xoghayaha guud waxa uu qabanayaa hawshii kale ee uu u xilsaaro gudoomiyuhu.

  • §Qoddobka 26aad

Banaanta Hogaanka Sare ee Xisbiga
1. Hogaanka sare ee Xisbigu waxa uu ka koobnaanaya lix xubnood oo kala ah:
a. Gudoomiyaha Xisbiga
b. Sadexda Gudoomiye ku xigeen
c. Xoghayaha Guud ee Xisbiga
d. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga
2. Hadii aay timaado in hogaanka sare ee xisbiga xubin ama xubno ka mid ah aay lumiso xilkii aay xisbiga u haysay si waafaqsan xeerka, waxa awood u leh soo buuxinta xubinta banaanata Golaha Dhexe ee Xisbiga iyada oo cod 1/3 ku dooranayaan musharixiinta u tartanta jagada/jagooyinka banaanaatay
3. Xubinta cusub ee buuxisa xilka banaanaday waxa aay xilka haynay inta laga gaadhayo shirwaynaha xisbiga ee caadiga ah

  • §Qoddobka 27aad

Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka
1. Musharixiinta Madaxweyne iyo madaxweyn xigeen ee xisbiga waxa dooranaya Golaha dhexe ee xisbaga
2. Musharaxinimada jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo xubinimada hogaanka sare ee Xisbigu waay kala madax banana yihiin
3. Xubinta shirwaynaha Xisbigu u doorto hogaanka sare ee Xisbiga uma banana in aay u tartan to musharaxnimada jagada madaxweynaha iyo ku-xegeenimada
4. Hadii xubin hogaanka sare ka tirsani damacdo in aay u tartan to musharaxnimada jagada madaxweyne iyo ku-xigeenka waa in xubintu iska casishaa xubinimada hogaanka sare ee Xisbiga mudo lix bilood ka hor ah kal-fadhiga Golaha Dhexe ku dooranayaan musharixiinta jagada madaxweynaha iyo kuxigeenka
5. Xubina looma sharixi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer

  • §Qoddobka 28aad

Shuruudaha Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenka
1. Qofka isu sharaxaya musharaxnimada madaxweyne ama ku-xigeen madaxweyne waa:
a. in uu noqodaa xubin ka tirsan Xisbiga
b. in uu bixiyo qaadhaanka xisbiga ee aay Go’aamiso Gudida Fulinta Xisbigu
c. in in u ubuuxiyo shuruudaha ku cad qodobka 82aad ee Dastuurka JSl

  • §Qoddobka 29aad

Musharixiinta Golayaasha Sharci dejinta iyo Deegaanka
1. Qof kasta oo u tartamaya golayaasha sharci dejinta ama deegaanka waa in u buuxiyaa shurudaha hoos ku xusan:
i. In uu yahay xubin xisbiga ka tirsan oo buuxiyaya shuruudaha xubinimo, bixiyana qaadhaanka xisbiga
ii. In uu buuxiyo shuruudaha Xeeerarka Dalku uga baahan yihiin
iii. In uu yahay ruux aaminsan barnaamijka Xisbiga
iv. In uu bixiyo lacagta deebaajiga ah aay go’aamiyaan Gudida Fulinta ee Xisbiga

  • §Qoddobka 30aad

Guddida Hanti Dhawrka
1. Gudida hanti dhawrku waxay ka koobantahay sadex xubnood oo G/dhexe iska soo dhexdoortaan oo u madax banaan shaqadooda.
2. Gudidaasi waxay toos u baadhi karaan dhamaan xafiisyada xisbiga iyo hantida xisbiga waxayna warbixin toosa u gudbin karaan G.dhexe waxayna toosin karaan maamulka xisaabaha ee xisbiga.
3. Gudidaasi waxay hubinayaan dhammaan hantida xisbiga haddii ay tahay guurto iyo ma-guurtaba.
4- Guddidaasi waxay shaqada ka joojin karaan hadii ay la kulmaan cid si khaldan ugu tagrifashay hantida xisbiga, iyaga oo la socodsiinaya madaxda ka sarraysa haddii ay u caddaato in lagu tagri falay hantida xisbiga waxay u gudbin karaan Golaha dhexe oo goaan ka gaadhaya.

Qaybta sadexaad

  • §Qoddobka 31aad

Qaybaha Xisbiga.
1. Gobol kastaa wuxuu yeelanayaa gudi joogta ah oo ka kooban Shan iyo toban xubnood, gudidaasi waxay yeelanaysaa gudoomiye iyo gudoomiye xigeen, xoghaye iyo xubnaha kale oo ka midnoqonaya hawl wadeenada xisbiga
2. Xoghaya gobolku waa in uu noqdaa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga
3. Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha gobolka waxaa magacaabaya Gudoomiyaha Xisbiga markuu la tashado Gudida Fulinta
4. Degmo kastaana waxay yeelanaysaa gudi joogta ah oo ka kooban todoba xubnood oo yeelanaya gudoomiye, gudoomiye xigeen iyo xoghaye iyo xubnaha kale oo noqonaaya hawl wadeenada xisbiga ee degmada.
5. Gudoomiyaha, gudoomiye-xigeenka iyo xoghayaha Degmada waxa magacaabaya Gudoomiyaha gobolka markuu la tashada gudida joogtada ah ee gobolka
6. Tuulooyinka iyo xaafadaha waxay yeelanayaan gudi joogta ah oo ka kooban Shan xubnood oo yeelanaya gudoomiye, gudoomiye xigeen iyo xoghaye. Sadexdan masuul ee ugu sareeya tuulada ama xaafadda waxa magacaabaya gudoomiyaha degmada aay hoos timaado
7. Laamaha debadda waxaa loo aqonsanayaa heer degmo ama laan iyadoo loo eegayo baaxadda jaaliyadda Somaliland ee deggen meeshaas, waxaana lagu kala saarayaa taageerayaasha xisbiga ee bixiya qaadhaanka xisbiga
8. Madaxda laamaha xisbiga ee debeda waxa magacaabaya Gudoomiyaha Xisbig marka uu la tashado Gudida Fulinta

  • §Qoddobka 32aad

Hawlaha Guddiyada Xisbiga.
1. Fulinta barnaamijka siyaasada ee xisbiga
2. Diiwaan galinta xubnaha ka mid noqonaaya xisbiga.
3. Abaabulka iyo wacyi galinta dadweynaha.
4. Xidhiidhka iyo wada tashiga xafiisyada xisbiga ee tuulooyinka, laamaha dibada, degmooyinka, gobollada iyo xarunta guud, iyada oo taladu min tuulooyinka ilaa xarunta guud ee xisbiga ay ku dhisan tahay hab dimuqraadi ah.

  • §Qoddobka 33aad

Hantida Xisbiga
xisbigu waxa uu yeelan karaa hanti guurto ah ama ma guurto ah. Hantidaasina wax ay ka iman kartaa.
1) qaadhaanka ay xubnaha xisbigu bixiyaan
2) deeq lasiiyo xisbiga oo ka timaada shirkado wadani ah ama muwaadin reer Somaliland ahi bixiyeen
3) kaalmada ay xukumadu si siman usiiso xisbiyada qaranka .
4) fiiga ay bixiyaan musharixiinta golayaasha qaranka utartamaysa iyo madexweyne iyo ku xigeenka madexweynaha ee aay go’aamiyeen Gudida Fulintu
5) qaadhaanka ay bixiyaan xildhibaanada xisbiga usoo baxaa .

  • §Qoddobka 34aad

Guddida Anshaxa
1. xisbigu waxa uu yeelanayaa gudi anshax oo heer qaran iyo mid heer gobol ah .
2. kalfadhiga ugu horeeya ee golaha dhexe yeesho shirweynaha kadib waa in lagu sameeyaa gudi anshax oo heer qaran
3. tirade gudida anshaxu heer qaran waa in ay noqotaa sagaal xubnood
4. Gobol waliba waxa uu yeelanayaa gudi anshax oo ka kooban 5 xubnood oo aay sameeyeen Gudida heer gobol

  • §Qoddobka 35aad

Awoodaha iyo Hawlaha Gudida Anshaxa
1. waxa ay anshax mariyaan xubnaha xisbiga ee
a) ku gafa xeerka xisbiga
b) ka horyimaada mabaadiida siyaasadeed ee udajisan xisbiga
c) gudbisa sir xisbigu leeyahay
d) lunsata dhaqaale xisbigu leeyahay

2. gudidu wax ay awood uleeyihiin in aay ka qaadan xubint aay ku helaan eed, iyaga oo eegaya culayska gefka xubintu gashay, xil ka qaadis, ganaax aryid ama talaabo kasta oo kale oo ku haboonaata
3. xubintii gudi anshax heer gobol xukunto ee ku qanci waydaa waxa aay u rafcaan qaadan kartaa gudida anshaxa heer qaran

  • §Qoddobka 36aad

Mudadda Xilka Gudida Anshaxa
muddada gudida anshaxu heer qaran waa shan sano oo ka bilaabmay maalinta la doorto

  • §Qoddobka 37aad

Nidaamka loo Samaynkaro Waxkabedelka iyo Kaabista Xeerka Xisbiga
1 waxkabedelka iyo kaabista xeerka xisbiga waxa lasamaynkaraa shirweynaha xisbiga waxaana awood ansixintiisa shirweynaha xisbiga
2 Hadii ay timaado arin lagama maarmaan ka dhigaysa in kaabis ama wax kabedel qodob ama qodobo xeerka ka mid ah waxa soo jeedinaaya hogaanka sare ee xisbiga ama gudida fulinta oo soo diyaarinaaya iyagoo umaraaya waxkabedelka iyo kaabistu mid waafaqsan xeerka xisbiga iyo xeerarka dalka.
3 hogaanka sare iyo gudida fulintu waa in ay soo hordhigaan soo jeedinta waxkabedela iyo kaaabista golaha dhexe ee xisbiga in la sameeyo iyo in kale cod ayayna uqaadayaan 1/3 xubnaha golaha dhexe . Golaha dhexee hadii uu ogolaado in xeerka lagu sameeyo kaabista iyo waxkabedelka waxa waajib ku ah in ay ugudbiyaan haayada sharci ahaan ka sareysa oo ah shirweynaha rasmiga ah ama shirweyne aan caadi ahayn.
4 Shirweynuhu markuu helo soo jeedinta iyo ogolaanshaha golaha dhexe waxa ubanaan inuu ansixiyo iyo inuu diidoba.

  • §Qoddobka 38aad

Fasiraada Xeerka Xisbiga
1) Hadii xeerka xisbiga khilaaf sharci ka yimaado waxa hogaanka sare ee xisbiga ku waajib ah in la diwaan galiyo qodobada ama faqradaha laysku khilaafsanyahay fasirkooda.
2 hogaanka sare waa inuu hordhigaa qodobadii uu diwaangaliyey kalfadhiga golaha dhexe ee rasmiga ah ama aan caadiga ahayn.
3 Golaha dhexe ee xisbiga waxa ku waajib ah inuu dhageysto doodaha fasiraadaha dhinacyada fasirka ku doodayaa, kadibna waa in ay gudi ka kooban golaha dhexe iyo sharciyaqaano aan xisbiga ka tirsanayn uxilsaartaa fasiraada .
4 Gudida loo xil saaray soo fasirka waa in ay usoo gudbiyaan xoghayaha golaha dhexe isagoo soo hordhigaaya kalfadhi aan caadi ahyn oo qabsoomaya ugu badnaan afar bilood marka go’aanka gudida loo xilsaaray aay xoghayaha u soo gudbiso
5 Hadii dhinac ku qanciwaayo fasiraada gudida waxa ufuran in ay ka dalbadaan in loogu gudbiyo maxkamada dastuuriga ah ee dalka iyadoo codsigaas uu qoridoono xoghayaha golaha dhexe ama ku xigeenkiisu

  • §Qoddobka 39aad

Xeer-hoosaad
Golaha dhexe waxa uu soo saari karaa xeer hoosaadyo aan ka horimanayn xeerkan

  • §Qoddobka 40aad

Dhaqangalka Xeerka Xisbiga
xeerkanai waxa uu dhaqan gelayaa marka uu ansixiyo shirwaynaha Xisbigu

Dhamaad

Waxa Xeerkab dib-u-habayn ku sameeyey Gudi loo xilsaaray oo ka kooban
1. Garyaqaan Siciid Cabdilaahi Xuseen
2. Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac
3. Prof. Siciid Caamir
4. Maxamed Jaamac Koodbuur

Habayntii Iyo Isku Dubaridkii

UCID-Media Group

Faisal Cadami.

No Comments