
Xisbiga UCID Oo Saaka Bilaabay Qaybinta Kaadhka Golaha Dhexe Ee Xisbiga
Hargeysa (UCID-Media Group) Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta bilaabay qaybinta kaadhadhka lagaga qayb galayo shirwaynaha Toddobaad ee Xisbiga UCID oo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 28-ka bishan.
Qaybinta ayaa si habsami ah uga socota xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa.





























