JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
لااله الاالله
انالله وااناليه راجعون
قال الله تعالي
(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “
Ref/UCID/58/2016 Date: 18/04/2016
UJEEDDO/ Tacsi Tiiraanyo leh
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(UCID-MediaGroup) Hogaanka sare ee xisbiga UCID,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhaman shacbiga reer Somaliland iyo Ehelkii iyo Qaraabadii ay ka baxeen dhalinyaradii ku dhimatay masiibadii ka dhacday badwaynta Dalka Masar
Xisbiga UCID waxa uu manta la wadaaagayaa shacabka reer Somaliland iyo Eheladii ay ka baxeenba Dhibaatada iyo Murugadaa aadka u tiirayada leh Ee ka Dhacday dalka MASAR
Xisbigu Wuxuu Ugu Baaqayaa Madaxwaynaha, Golayaasha Qaranka, Asxaabta Qaranka, Culimada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Reer Somaliland in talo qaran laga yeesho sidii xal looga gaadhi lahaa masiibada tahriibta ee aynu ku waynay labeentii qaranku lahaa.
Sidoo kale Xisbiga UCID Waxaa uu ugu baaqayaa Xukuumada iyo Ciidamada Amniga in si deg deg ah gacanta ugu soo dhigtaan dadka ka ganacsada tahriibka dhalinyarada
(Inaa Li Laahi Waa Inaa Ileyhi Raajucuun )
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo intii ku dhimatay masiibadaa dhamaan ummada reer Somaliland na Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII, EHLIYADII IYO QARAABADII Ay ka baxeen
Aamiin Aamiin Aamiin
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID
Md: Yusuf Keyse Allahi
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN