Murashaxa Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Shaaca Ka Qaaday In Dib Loo Dhigay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Iyo Nuxurka Qoddobada Ay Abwaanadu Kala Hadleen Oo Uu Midh Midh Uga Hadlay
Hargeysa( UCID-MediaGroup )-Murashaxa madaxwayne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay nuxurka uu daaranaa kulankii ay maanta la yeesheen abwaanada magaca iyo maamuuska ku leh Somaliland iyo nuxurka qodobada laga wada hadlay.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in ay isla qaateen inaan doorashadu wakhtigan dhicin oo ay dib u dhacdo isaga oo sheegay inay fariintaana gaadhsiin doonaan gudida komishanka doorashooyinka qaran iyo waliba golaha guurtida Somaliland
Halkan hoose ka daawo muuqaalka