Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Somaliland oo ka mid ahaa xubnaha Guddidii wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh .
Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay weedho soo dhaween ah, waxaanu sheegay in aanay ka daali doonin sidii ay uga shaqeen lahaayeen Midnimada Reer Somaliland .
Prof Cali Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad-naqay Soo dhaweenta lagu qaabilay, waxaanu cod-dheer ku sheegay In uu ka shaqeen doono Danta umadda ku dhaqan Deegaannada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn .
Hogaamiyaha ayaa soo dhaween aad u balaadhan la kulmay, kuwaas oo kor u lulayay calanka Somaliland .