Guddaha Ka Eeg Xafladii Soo Dhaweynta Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Jaamac (Googooye) Sawiro + Maqal Iyo Muuqaal
London(UCID-Media Group) Xigabiga UICD ayaa habeenkii xalay (Sabtidii) kulan baalaadhan ku yeeshay xaaflada Frost Gate ee bari magaalada London oo lagu soo dhaweynayey Xoghayaha Guud ee UCID oo dhawaan uu magacaabay guddoomidiye Faysal Cali Waraabe.
Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda laamaha UCID ee UK iyo xubno cusub oo ku soo biiray xisbiga UCID.
Madsha oo hadalo badan laga soo jeediyey , ayaa waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo ka waramay waayaha Somaliland ka jira isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin wax lagu eedeeyo ee ah in uu xisbiga UCID burburinayo.
” “Maantuun baa iigu daran, waligaye imaysoo marin waxa ay lee yihiin xisbiguu burburinayaa, ma wax aad arageen nin wixiisa burburaya…ma wax aad aragteen nin shalayto yimid oo leh xisbiguu inaga burburinayaa, waar shalaytuu noo yimi…… iyo Muuse ayuu dhisayaa.. ragaa aan wada magacaabay waa dadki Muuse ma ogtahay….kaan xeradiisa ka guranayo ayey leeyihiin Muuse ayuu dhisayaa……ana waxaan islee yahay biluu Muuse kugu soo toosaa oo waan ka baqaa markaa…..” Ayuu yidhi guddoomiye Faysal.
Kulankan yaa sidoo kale Guddoomiye Faysal ku shaaciyey guddoomiyah UK uu si ku meelgaadh ah ugu magacaabayo Idiris Axmed oo uu sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon oo khadka cusub ee tageerayaal iyo Xoghayaha-ba isagu u soo xidhay. Guddoomiyihii hore ee UK ee UCID Shiine Koodbuur ayaa isagu isku sharaxay xildhibaan golaha wakiilada ah..
Sidoo kale dadkii halkaa ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa C/laahi Sheekh Xasan (Daaluut) 00 isagu soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana ka difaacay Gudoomiye Faysal eedaynaha loo soo jeediyey. Waxaanu C/laahi Daaluut taabtay in Gud. Faysal siyaasad cusub qaatay ka dib intii ka dambaysay doorashadii uu xisbigu ku soo baxay iyo isagoo dhaliilay garabka ka horyimid siyaasadaas.
Halkan Hoose Ka Daawo