Guddida Anshaxa ee Xisbiga Ucid Oo KaXayuubiyey Xubinimadii Xisbiga Mujaahid Cali maxamed Yuusuf Cali Gurey
Hargaysa(UCID-Media Group):- Guddida Anshaxa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Sheegay in ay Maanta Go’aamiyeen inuu Xubin-nimadii Xisbiga ka ay ka xayuubiyeen Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo ay Hore u siiyeen Digniin kama danbays ah.
War qoraal ah oo uu ku Saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddidda Anshaxa ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay UCID-Media Group ayaa lagu sheegay in shir ay iskugu yimaadeen guddida anshaxa ee xisbiga UCID xubinnimadii lagaga xayuubiyey ka dib markii Cali Guray uu Jebiyay Xeer hoosaadka Xisbiga Ucid.