JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
لااله الاالله
انالله وااناليه راجعون
قال الله تعالي
(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “
Ref/UCID/56/2016 Date: 06/04/2016
UJEEDDO/ Tacsi Tiiraanyo leh
Hargaysa (UCID-medai Group )
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(UCID-MediaGroup) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Caddalada iyo Daryeelka UCID, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka guddida Fulinta Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID , waxa uu tacsi TiiraanyoLeh u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.
Guddoomiye Faysal waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawaynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.
Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.
Guddoomiye Faysal Cali waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN