JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة
لااله الاالله
انالله وااناليه راجعون
قال الله تعالي
(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “
Ref/UCID/41/2016 Date: 01/03/2016
UJEEDDO/ Tacsi Tiiraanyo leh
Hargaysa (UCID-medai Group ) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa dhamaan ciidanka booliska iyo ciidamaka qaranka , qoyskii asxaabtii eheladii qaraabadii iyo guud ahaanba qaranka somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi alleh ha u naxariistee taliyihii qaybta booliska gobolka saaxil Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo goordhaweyd dablay hubsayn oo jidgooyo u gashay ku toogteen halkaasna ku dileen.
Dilkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Berbera.
Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa ilaahay ugu beryey intii falkaasi ku dhaawacantey inuu caafimaad sareecaana siiyo,
Xukumadana Waxaan ugu Baaqayaa In Si deg.deg ah ay ku Soo qabtaan Gacan ku Dhiiglayaashii Dilkaa Foosha Xun gaystay caddaaladana la horkeeno
Geesta waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ka dheeraadan wax kasta oo arinta weji qabiil u yeelaya Xukuumadana looga dambeeyo.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu illaahay uga baryeyaa Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr inuu godka u nuuriyo, janatul fardawsana uu ka waraabiyo, ehel, qaraabo iyo guud ahaan shacbiga somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin amiin.
Innaa-lillaahi wa innaa-illeyhi raajicuun.