Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Galabta Goobaha Bulshadu Isugu Timaado Ee Degmada 26-Ka June Ee Hargaysa Kula Qaxweeyay .
Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Galabta goobaha bulshadu isugu timaado ee Degmada 26-ka june ee Hargaysa kula qaxweeyay bulshada ku dhaqan Degmadaasi .
Waxaanay bulshadaasi ay ku soo dhaweenayeen Dareen-farxadeed, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo uu ka mid yahay “ Madaxweynaha Mustaqbalka “ iyo ereyo la mid ah Oo ay ku muujinayeen taageerada dhabta ah ee ay u hayaan Murashaxa Faysal Cali Waraabe .
Murashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa kula qaxweeyay Bulshadaasi maqaaxiyaha shaaha ee kala gaddisan, waxaanu la wadaagay dareenkooda, iyagoo bulshaduna ay su’aalo kala gaddisan ay ku ganayeen Gudoomiyaha .
Waxaanu Murashaxu uu dhamaan su’aalahaasi uu ka bixinayay jawaabo qanciyay, oo ay aad ula dhacayeen .
Sidoo kale Bulshada ayaa tilmaamay, carrabkana ku adkeeyay, sida uu Murashaxa Faysal Cali Waraabe uga duwanyahay Labada Murashaxa ee Kale, Iyagoo isla qiray in uu yahay Murashax ay ka dhab tahay wax u qabashada bulshadiisa, ahna Murashax bulshadiisa la dareen ah oo xog-ogaal u ah xaaladahooda kala gaddisan .
Murashaxa ayaa bulshadii kala duwanayd ee la kulmayay u bandhigayay Barnaamijkiisa Siyaasiga ah, isagoo ta baddalkeedana u kuur-galayay xaaladooda nololeed .
Ugu danbayn Bulshada ayaa u muuqda kuwo ka soo ilbaxay, kana gudbayaa nidaamka qabyaaladeed ee bulshadeena Ragaadiyay .
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa ah Murashax jecel Midnimada iyo Horumarka Somaliland .