Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa kulan afur iyo casho ah u sameeyay suxufiyiintii ku xidhnayd Hargaysa ee maanta dib u helay xorriyadooda.
Waxaana kulankan kasoo qeyb-galay, masuuliyiin kamid ah hogaanka xisbiga, garyaqaanno, suxufiyiin iyo marti sharaf kale.