Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID ayaa Public Lecture U jeediyay, Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Ethopia .
Kulan aqooneed-kan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Dalka Ethopia .
Gudoomiyaha ayaa halkaasi ka jeediyay Public Lecture ku Saabsan “ Somaliland The Way Forward ” oo ah, Somaliland Halkee ayay u socota .
Waxaanu Gudoomiyuhu Lecture-kan uu ku soo bandhigay, kagana waramay Sooyaalkii taarikheed Ee ay Somaliland Soo martay, isagoo mid walba wakhtigeedii iyo waayaheedii uu mid walba dul istaagay .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo sida lagu gaadhi karo, isagoo meelo badan ka istaagay, waxaanu rajjo fiican ka muujiyay Mustaqbalka Somaliland .
Gudoomiyaha ayaa jawaabo waafi ah ka bixiyay, su’aalo kala duwan oo Ardaydu waydiiyeen Gudoomiyaha .
Gudoomiyaha ayaa noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ardayda Reer Somaliland ee wax ka bartay Dalka Ethopia, wakhti intaa leeg ku bixiyaa, isla markaana la wadaaga taariikho iyo waayo aragnimo badan .
Ugu danbeentii Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Ethopia ayaa si wayn ula dhacay Public Lecture-kan uu u jeediyay Gudoomiyuhu, iyagoo tilmaamay in ay wax badan ka kororsadeen Lecture-ka Gudoomiyaha, kana gunteen taarikho badan oo dalku soo maray .