Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qoddobada Kasoo Baxay Wada Hadalkii Dalka Jabuuti Uga Somaliland iyo Khaatumo Oo Soo Dhamaaday
Hargeysa(UCID-Media Group )-Wada hadalkii muddada dhawrka cisho ah dawlada Somaliland iyo Khaatumo uga socday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa jawi is afgarad ku soo dhamaaday ayaa waxa kasoo baxay qoddobo dhawr ah.
Qoddobada oo nuqul kamid ah soo gaadhay UCID-Media Group kaas oo qayb ka ah qodobada ay isla qaateen guddiga Farsamada.
Kulankan ay labada dhinac ku wada hadlayeen ayaa waxa goob joogayaal ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo isla markaana ay kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh.
Waxaanay U dhignaayeen sidan.
- Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiskii hore ee 11ka qoddob ka koobnaa ee Addis-ababa 21-12,2016 waxii hirgalay iyo waxii aan hir galin.
- In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan
- Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
- In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
- Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba
Waxaana qodobadan ku saxeexnaa gudoomiyayaasha guddiga farsamada wada hadalada Somaliland iyo khaatumo mudane Maxamed Xaaji Aadan iyo Kayse Cabdi Yuusuf.