Halkan Ka Daawo Dhoolatuskii Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ee Xafladii Daah-furka Diiwaangalinta Gobolka Awdal + Sawiro + Video
Borama (UCID-Media Group) :- Xafladii Daahfurka Diwaangalinta Gobolka AWDAL ee Maanta ka dhacday Boorama oo uu Xisbiga Ucid Ka Sameeyay Dhoollu tus ka dib markii Bulshada Borama u muujiyeen Taageero Mug leh .
Masuuliyiinta Ucid ayaa markii ay soo galeen Hoolkii xafladda waxaa is qabsaday Sacab xoogan iyo soo dhaween laxaad leh taas oo yaab iyo u qaadan-waa ku ridday labada xisbi ee kale .
Intaasi ka dib Masuuliyiinta Xisbiga Ucid waxa ay xarunta xisbiga ee magaalada Boorama ku qabteen shir jaraa’id .
Shirkan jaraa’id ayaa guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga UCID Mujaajid Cali Gurey ku shaaciyay in Xisbiga UCID uu shirkiisi Golaha Dhexe ku qabsan Doono Magaalada Boorama .
Waxaanay Noqonaysa markii ugu horeesay ee uu Xisbiga Ucid uu Shirkiisa Golaha Dhexe ku qabsado Magaalada Boorama .
UCID-Media Group