Home Political Platform, 2010

Political Platform, 2010

“Cadawga Dalkeenu waa Musuqmaasuq, Caddaalad darro, Qabyaalad, Shaqo la’aan iyo Addeeg bulsho la’aan, si aynu uga baxno dhibaatooyinkaas muwaadin codkaaga ugu hiili oo sii Xisbiga UCID”
“The enemy of our country is corruption, injustice, clanism, umemployment and lack of leadership. A vote for UCID means we can start tackling these issues”
“Waxaanu u taaganahay Isbeddel togan iyo Caddaalad” “We stand for Change and Justice” ©UCID 2010
TUSMO page #
Qoddobada Barnaamijka
I. Arr-aar
5
II. Gogol dhig
7
III. Hordhac
10
IV. Xogaha Barnaamijka lagu salleeyey
11
V. Kaabayaasha Barnaamijka
11
1. MAAMUL-WANAAGA
13
Dhisida dawlad kooban oo tayo leh
13
Dib-u-habeynta hay’adaha xukuumada
14
Abuurista hay’ado dawladeed oo cusub Iyo xoojinta kuwii hore u jirey
14
Ururada bulshadda rayidka ah (Non-state actors)
16
Dib-u-habeynta iyo dhammeystirka qawaaniinta dalka
16
2. ADKAYNTA NABADDA IYO AMNIGA
17
3. SUGIDDA CADDAALADA DALKA
19
Maxkamado caddaalad ku dhisan
19
Tayaynta Xafiiska Xeer illaaliyaha Guud
21
Suggida xuquuqda dadka (xuquuqul insaan)
21
4. TAYEYNTA CIIDAMADA DALKA
24
Ciidanka Qaranka
22
Ciidanka Booliiska
23
Ciidanka Asluubta
23
Ciidanka Sirdoonka iyo Socdaalka
23
5. KOBCINTA DHAQAALAHA DALKA
24
Kor u qaadista wax-soo-saarka aasaasiga ah (Primary Production)
25
Nidaaminta iyo xoojinta Bangiga dhexe
28
Aasaaska guddida dhaqaalaha
29
Shaqo abuuris
29
Aasaaska sanduuqa sako
30
Tayaynta hay’ada shaqaalaha qaranka
30
La dagaalanka musuqmaasuga
30
Dib-u-habaynta nidaamka cashuuraha dalka
31
6. ADDEEGA BULSHADA
32
Horumarinta Caafimaadka
32
Waxbarashadda
35
Siyaasadda Biyaha ee Xisbiga UCID
36
Siyaasadda Korontada ee Xisbiga UCID
37
Daryeelka Bulshada
37
7. SIYAASADA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
41
8. SIYAASADA DEEGAANKA
42
9. SIYAASADA SAXAAFADDA
44
10. 120-KA CISHO EE U HOREEYA WAKHTIGA XUKUUMADA UCID
45
11. GUNAANAD (CONCLUSION)
47

ARR-AAR

Maadaama wad-tashigu lagama maarmaan u yahay dhismaha tallo kasta oo la go’aamiyo, isla markaana uu yahay aasaaska Distoorka Qaranka JSL, Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka, UCID waxaa uu ku dhiiri-galinayaa muwaadinka sharafta leh ee su’aal cilmiya ama farsamo ka qaba qoraalkan in uu si furan oo saraaxad leh u weydiiyo xisbiga isagoo lasoo xidhiidhaaya xarunta dhexe ama xafiisyada olalaha xisbiga UCID.

XAQA DAABACAADA

Qoraalkan “Qorshaha Waxqabad ee Xisbiga UCID” lama dhallan gadiyi karo, nuxurka ku jirana lama kala dhantaali karo… loomana sawiri karo sifo xuquuqda lahaanshaha ka baxsan. Qoraalkan suggnaanshihiisa iyo rasmiyeyntiisaba waxaa iska leh xarunta xisbiga iyadoo qaybintiisa iyo sharax-ka-bixintiisaba ay hoggaaminyaaan guddida olalaha heer-qaran ee xisbiga UCID. Sidaas daraadeed cidii ku xad-gudubta xuquuqda lahaanshaha qoraalkan waxaa lala tiigsan doonaa qawaaniinta iyo caddaalada dalka.

GOGOL DHIG

Jamhuuriyadda Soomaaliland baaxada dhulkeedu waxa uu dhan yahay 137,600 sq km. Dadka dalka Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 3.5million. Somaliland waxay dhacdaa dhul-badheedka xaga woqooyi dhigaha 8 degree ilaa 11.30’Degree, iyo loolka 42.45 galbeedka ilaa loolka 49aad bariga. Somaliland waxay ku taalaa geeska qaarada Afrika iyadoo xad la wadaagta dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Somalia iyo dhinaca woqooyi oo Gacanka Cadmeed ee Badda Cas ka xigo. Somaliland waxay ahayd maxmiyad Ingiriis mudadii u dhaxaysay 1884 ilaa 1960kii, iyadoo madaxbanaani taam ah heshey 26kii, June, 1960kii, ka dib markii ay ku hoos jirtey Maxmiyada Ingiriis muddo 75 sannadood ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si deg deg ah ula midawdey Somalia oo markaas ka hoos baxday gumeysi talyaani, iyadoo wax shuruud ah aan ku xidhin midawgaas ay galeysey, waxaana waagaas jirey rajo dadka soomaaliyeed ay ka qabeen in la unko dal ay ku midoobaan shanta soomaaliyeed oo saddexda kale yihiin Jabuuti, Kilalka 5aad ee soomaalida Ethiopia iyo gobolada woqooyi ee soomaalida Kenya, sidaas daraadeed ujeedada midawga Somaliland iyo Somalia waxay markaas ahayd mid looga gon lahaa in lagu horseedo midaw dhex mara shanta soomaaliyeed si loo helo jamhuuriyad Somaliweyn oo ay ku dhan yihiin shanta soomaaliyeed ee Geeska Afrika.
Waxaa si deg deg ah u dhicisawday rajadii shanta soomaaliyeed sababtoo ah waxaa arrintaas kasoo horjeestey bulshada caalamka, siiba dalalka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo midawgii Somaliland la gashey Somalia noqdey mid aan la mahadin oo lagu hungoobay oo horaantiiba la dareemey dulmi iyo sinaan la’aan saamaysey dadkii reer Somaliland.
Dadka reer Somaliland waxay dareenkooda ku muujiyeen diidmo ay intooda badani kala hortageen aftidii loogu codaynayay dastuurkii midawga ee 1961kii iyo afgambigii isla sannadkaas dhicisoobey ee ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah saraakiishii ciidamada iyo aqoonyahanada reer Somaliland.
Markii kaligii-taliye M. S. Barre xukunka ku qabsatey afgambi milateri ayaa ay rajadii dadka reer Somaliland ka qabeen midawgay la galeen Somalia sii yaraatey, halkii taliska Siyaad Barre dalka ku samayn lahaa isbaddel kuna dhiqi lahaa horumarkii ay dadku ka waayeen dawladdii la afgambiyey oo fadhiidnimo ragaadisey, ayaa uu ku kacay amar-ku taagleyn, cago-jugleyn iyo cuuryaamin uu ku sameeyey hanaan kasta oo dadweynuhu codkooda iyo dareenkoodaba ku cabiri karaan.
Wixii intaas ka dambeeyey, talisku wuxuu bilaabay inuu laayo aqoonyahanka, culimada, odayaasha iyo waxgaradka umadda, isla markaana uu cidhib tirro dhammaan xorriyadaha muwaadiniintu ay xaqa u lahaayeen, iyadoo culays laxaad leh, cabudhin, burburin, cuuryaamin dhaqaale iyo xasuuqba u gaystey goboladii woqooyi ee dalka (Somaliland), taasina waxay dhalisey in kacdoon shacbi lagaga horyimaado taliskii arxanka darnaa ee gacan-ku-dhiiglaha ahaa.
Dhaq-dhaqaaqii Wadaniga ahaa ee SNM waxaa uu ku dhashey dareenka dadka oo dal iyo dibadba taxnaa, waxaanu ku barbaarey dulmigii aan xadka lahayn ee taliska iyo gilgilashadii waxgaradka iyo guud ahaan dadweynaha. SNM waxay gaadhey guul laxaad leh, waxaanay si xoog leh tallada kaga fara-maroojisey taliskii 22-sannadood dalka dulmiga ku haysatey. Dalka Somaliland waxaa uu xorriyadiisii lasoo noqday 1991kii, bishii May, 18keedii, wakhtigaas oo shirweyne ay isugu yimaadeen dhammaan beelaha wada dega gobolada Somaliland magaalada Burco. Waxaana si wada jir ah loo go’aansatey in laga noqdo midawgii aan loo meel dayin ee sida dhakhsaha ah loola galey Somalia, isla markaana dib-loo-dhiso dalka iyadoo wax kasta laga soo bilaabay meel aan waxba jirin oo aanay markaas waxba dhisneyn. Somalilandna wakhtigaa wax taareego ah caalamka kamay helin. Waxaana SNM ay ku dhiiratey inay xukunka gacanta dadweynaha kusoo celiyaan, muddo laba sannadood ah ka dib.
Waxaa markaas jirtey rajo wanaagsan oo laga qabay in dalka laga hirgalin doono hoggaamin iyo maamul wanaagsan, isla markaasna deg deg looga midho-dhilin doono rajadii dadweynaha, balse nasiib darro waxaa la galay qulqulatooyin siyaasadeed oo ka hor yimid dawladdii SNM hoggaamineysey ee xilkeedu ku eekaa labada sanno. Waxaana siyaasiyiintii markaan saaxada joogtey ay ku guul daraysteen inay mideeyaan dadka, isla markaana ku dhaqaaqaan siyaasado dalka dib loogu dhisayo, laguna horumarinayo. Kala qaybsanaantii iyo khilaafkii siyaasiyiintu waxa uu keeney in ay dalka ka dhacaan dirir iyo colaado sokeeye sannadihii 1991-1992, 1994-1996.
Caqabadaas kor ku xusani dadka reer Somaliland kamay joojin inay ka midho-dhaliyaan himiladoodii ahayd inay dhistaan qaran lugihiisa isku taaga oo taabo-gal ah, waxaana duruufahaas barbar socday dedaaladii lagu adkeynayey dawladnimada Somaliland, iyadoo 1993kii shirweynihii Borama lagu ansixiyey axdi qarameed, laguna doortey xukuumad iyo gole baarlamaan oo ku meel gaadh ah, waxaana madaxweyne loo doortey Illaahay (SWT) ha u naxariistee marxuum, Mudane Max’ed X. I. Cigaal iyo Mudane, C/Raxman Aw Cali Faarax oo madaxweyne xigeen loo doortey.
Ugu dambeyntii shirarkii Burco, Berbera, Borama iyo Hargeysa waxay keeneen maxsuul ah in la unko qaran haykal dawladeed oo dhammeystiran leh, isla markaana qaata hanaanka dawladnimo ee casriga ah iyo nidaamka siyaasadeed ee axsaabta badan iyadoo diinta iyo dhaqankaba tix galintoodii mudnayd la siinayey.
Aasaaska xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, wuxu ka yimid fikrada iyo dedaalada ay sameeyeen qaar ka tirsan aqooyahaniinta Somaliland ee qurbaha ku noolaa iyo in dalka gudihiisaba ku sugneyd. Ujeedada ay ka lahaayeena waxay ahayd in ay ka qayb qaataan dhismaha qaranimada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland, sameeyaana xisbi siyaasadeed furfuran oo ka tarjumaya dareenka dhabta ah ee dadweynaha, ka aragti dheer kana casrisan hanaanka ay siyaasiyiintii muddada badan kusoo jirey saaxadu ay isu habeyn jireen. Eng. Faysal Cali Xuseen oo ka mid ahaa aqoonyahaniinta qurba jooga ah ayaa shirweynihii ururka loogu doortay guddoomiyaha Ururka isagoo qayb weyn kasoo qaatey aasaaska xisbiga iyo nabadeyntii Somaliland. Xisbiga UCID waxaa uu ahaa ururkii ugu horeeyey ee mucaarad ah ee dalka laga aasaaso, kuna dhiirada toosinta iyo dhaliisha wax dhiska ah (positive critique) ee xukuumadii wakhtigaas.
Laga soo bilaabo wakhtigii la aasaasay xisbiga ee 2001dii ilaa hadda xisbigu wuxuu gaadhay guulo la taaban karo, waxaana guulahaas ka mid ah;  
  • UCID inay ahayd ururkii ka badbaadiyey dalka JSL, door muhiima oo la taaban karana ka qaatey sidii looga gudbi lahaa qaabbeeleedkii looguna gudbi lahaa nidaamka casriga ah ee dawladnimada ee ku dhisan axsaabta badan.
  • In ururka UCID ay u suurto-gashey in uu heer xisbi oo ka mid ah saddexda xisbi qaran usoo gudbo.
  • In xisbiga UCID uu ahaa xisbiga kaliya ee ka keena natiijooyin mar walba sii kordhaya doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomey (Golayaasha Deegaanka, Madaxtooyada iyo Wakiilada), halkii xisbiyada kale ay helayeen natiijooyin aan korodh ka muuqan oo hoos u dhacyo lahaa doorashaba doorashaday ka dambeysey.
  • In xisbiga UCID mar walba uu yahay ka kaliya ee horseeda xallinta khilaaf kasta oo siyaasi ah oo dalka ku yimaada, isla markaana horseed ka noqda ka hormarinta danta guud midda gaar ahaaneed.
    • In xisbiga UCID yahay mid qayb laxaad leh ka qaata hawlaha daryeelka iyo horumarinta addeegyada bulshada, isla markaasna si gaar ah uga war haya qaybaha bulsho ee jilicsan.
    • In xisbiga UCID noqday mid taariikh lama ilaawaan ah ku yeesha arrimaha ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka dibada (mid goboleed, qaaradeed iyo caalamiba)
    • Waxaa xusid mudan tusaale ahaan, 6-dii qoddob ee saldhiga u ahaa heshiiskan maanta taagan, in xisbiga UCID uu ka qaatey kaalinta koowaad.

    Maanta xisbiga UCID, waxa uu u taagan yahay in uu horseed ka noqdo nabada, cadaaladda, horumarka iyo ictiraf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

    Barnaamijkan uu xisbigu usoo bandhigayo umadda waa mid ka tarjumaya qoddobadan kor ku xusan isla markaana xisbiga UCID ka dhigaya mid ay u cadahay talladii iyo qorshihii uu ku fulin lahaa kagana midho-dhalin lahaa.

HORDHAC

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxaa la aasaasey 18th August, 2001, iyadoo yoolka laga lahaa ahaa in dalka Somaliland noqdo mid ku guuleysta geediga uu ugu jiro horumarka, caddaalada iyo xasiloonida buuxda.
Xisbiga UCID waxaa uu u taagan yahay hirgalinta isbeddel togan kaas oo majaraha iyo hanaanka siyaasadeed ee JSL ka dhiga mid ku qotoma mabaa’diida diinta Islaamka, isdheelitir (check and balance), xalliibnaan iyo xisaabtan (transparency and accountability) iyo wanaajinta danta guud.
Haddaba xisbiga UCID isagoo ogsoon in waxaa ugu muhiimsan ee xisbiyada badan lagu kala xushaa yihiin barnaamijka iyo siyaasadaha ay u dejiyaan umadda… ayaa uu halkan muwaadiniinta JSL ee sharafta leh ee sida xorta ah u codeeya 5tii sannaba mar, ugu soo bandhigayaa qorshaha waxqabad iyo ballan-qaadka xisbiga UCID.
Barnaamijkan waxqabad waa mid qaabeysan, qorsheysan oo ku sallaysan xoggo iyo daraasado rasmiya iyo sidoo kale tallada indheergaradka dalkeena, siiba taageerayaasha xisbiga UCID.
Ujeedada barnaamijkani waa mid jaan go’an oo gundhigeedu yahay ka rarida iyo ka samato bixinta dalkan iyo dadkiisa reer Somaliland duruufahan iyo waayaha qalafsan ee haatan yaala iyo xaqiijinta sidii loo heli lahaa isbeddel horseeda qaran casriya, caqiido sareysa leh, isla markaana aqoontu hoggaamiso oo ka korey qaraabo kiil, musuqmaasuq, jahli iyo horusocod la’aan.
Ugu dambeyntii, Qorshahan Waxqabad waa mid caqli gal ah oo ay u dhan yihiin kaabayaashiisii farsamo (technical components) isla markaana, ka dib cilmi iyo gorfeyn dheer loo qaabeeyey si hormeysan oo hanaansan. Sidaas daraadeed, UCID waa xisbi ay u cadahay talladii iyo qorshihii uu ku hoggaamin lahaa dalkan.